WararkaWaxbarashada

5 Talo oo Muhiim u ah Sidii Dhibco Sare aad Uga Keeni Lahayd Waxbarashada

Marka la bilaabo dugsiga sare in badan oo ardayda ka mid ah cabsi badan ayaa soo waajahda, taas oo la xiriir dareenka mustaqbalkooda, maadama sanad kaliya uu noqonayo kan furaha u ah mustaqbalkaaga oo haddii kaalin wanaagsan aad gasho aad meel wanaagsan tiigsan karto.

Walwalkaa inta badan ardayda soo waajaha sanadka ugu dameeya, ardayga dadaalka badani waxa uu kasii tabaabushaystaa sanadka koowaad oo uu sameeyo qorshihiisa sidii uu darajo fiican ku keeni lahaa sanadka ugu dambeeya ee waxbarashada.

Hadaba, haddii aad tahay arday dhigta dugsiga sare qaado 5 talo oo hore loosoo tijaabiyay meel wanaagsanna aad ku gaari karto.

1 .Hadaf sameyso aaminna inaad Gaari karto

Haa, halkan waxaan kusoo celcelinaynaa hadallo laga yaabo in lagu soo celceliyay oo aad horey uga daashay, muhiimadda ay leeyihiin darteed. Inaad rumeyso hadafkaaga noloshu inuu yahay mid la xaqiijin karo waa tallaabadaada koowaad ee muhiimka kuu ah, baro in riyooyinka aad u bedesho waaqic dhab ah, waxa ugu horreeya ee lagaa rabaana waa inaad baraarugto.

Guul kasta oo mashuuc laga gaaraa waxay ka dhalataa qorshe, qorsha la’aan waxba ma hirgalaan, sidaa darteed hadafka noloshu waxa uu kugu hagaa qorshahaaga nololeed inaad hesho, guushuna hadhow way kuu fududaataa.Guusha aad raadineyso sanadka kuugu dambeeya ee waxbarasho dugsiga sare waxaa ka horreeya qorshe bilowga sanadka koowaad ah oo aad dejiso.

2 .Facebook iska xir

Irumeyso talada ugu qaalisan ee qofi uu ku siin karo waa inaad Facebook iska xirto marka aad dugsiga sare tahay, waxaa la hubaa ugu yaraan inuu saacado muhiim kuu ah oo naftaada aad ku horumarin karto uu kaa cunayo.

In aad iska xirto bartaada Faceboo, gaar ahaan sanadka kuugu dambeeya ee waxbarashada dugsiga sare aad Facebook iska xirto, dhibaato ma laha, noloshodaada ma istaagayso, dunidana waxba iskama bedelayaan.

3 .Wakhtigaaga Nidaami

Khaladka ugu weyn ee ardayda dugsiga sare ku dhacaan waa iney duruusta si fiican u akhriyaan bilowga hore, kadib marka la gaaro sanadka aakhirkiisa iyo qeybaha dambey, waxaad arkaysaa ardaydii oo daalaa dhacaysa oo caajis badani ka muuqo, kana niyad jabsan iney wax akhriyaan oo xaaladdu ku adag tahay.

Waxaad ogaataa oo aad ku xisaabtantaa inaad tahay sidii qof ku jira tartan maaradoon ah oo orod lagu baratamayo, qofka bilowga hore orodka badan oo kaliya ma guulayso, haddii aad eegto guulaha orodyahanka Soomaaliyeed ee Maxamed Faarax, waxaad arkaysaa bilowga hore inuu orodkiisu nidaamsan yahay xawaarihiisana uu inbadan dib u dhigto, laakiin marka la gaaro wareegga ugu dambeeya cid kasta isagaa ka orod badan kana dheereeya.

Sidaa darteed ogow, nimaadinta wakhtigaaga waa muhiim, ha illoobin xilliyada nasashada, madadaalada, saaxiibadaa wakhti ka sii jadwalka wakhtiga, waxaanad ogaataa in adiga oo qura aad naftaada wakhtiga u sameyn karto haddii wax kasta oo kale laguu sheego waxba cidi kuuma qaban karto.

4 .Haka walwalin khaladka

Sanadka kuugu horreeya ee dugsiga sare khaladaad badan ayaad galeysaa oo su’aalo badan oo sidii aad fileysay si ka duwan noqonay, gaar ahaan Xisaabta iyo Physics-ka, meelo muhiim ah ayaad illoobeysaa xilliyada imtixaanaadka, ogow khaladka qof kasta wuu ka dhici karaa, waxaase muhiim ah inaad khaldaadkaaga wax ka barato oo aadan dib dambe ugu laaban.

5 .Ogow waad kartaa

Ardayda intooda badan waxaa ka maqan qiirada ah haddii qof kale uu darajaadaa gaaray aniguna maxaa iidiidaya.

Waxaad ogaataa waxwalba oo qof aadane ah uu gaaray in adiguna aad tiigsan karto, in ardaygu uu noqodo arday darajo sarreeya cidna gaar uma laha, ogow waxaa la isku dhaafay dadaal iyo xisaabtan.

Ugu dambeyn, waxaa hubaal ah, haddii 5 qodob aad si fiican u fuliso in aad noqoneyso qof waxbarashada ku wanaagsan, darajo fiicanna gaara. dugsiga sare maaha halka ugu dambeysa ee waxbarashada, kadibna nasasho lama galayo, laakiin inaad hesho kulliyad aad jeceshay ayaa kun jeer kaaga fiican inaad gasho kulliyad aad ku khasban tahay, ogow buundada fiican ee aad heshaa waxay kaa dhigtaa qof kulliyadda uu rabo isagu dooran kara, sidaa darteed ku dadaal inaad xaqiijiso heerka lagaa filayo, naftaaduna ku xasilayso.

Maadeeq FM

 

 

Related Articles

Close