WararkaWaxbarashada

Cilmibaari Cusub: 3 Saacadood oo Shaqo ah Ayaa Ku Filan!

Saddex saacadood oo shaqo ah ayaa ku filan, arrintani kaftan maaha, waa natiijo ka soo baxday daraasad cusub oo shaqaalaha rajo wanaagsan gelinaysa. Laakiin waxaa is weydiin leh arrintani ma suurtogal baa?, cidina si sahlan kuma bedeli karto nidaamka shaqo ee maanta dunida ka jirta.

Cilmibaarayaal u dhashay Britain ayaa ku talinaya in saacadaha shaqo laga dhigo 3 saacadood oo kaliya, waxay leeyihiin waa muddo ku filan waxsoosaar, mudadii intaa ka badan, waxay ku tilmaameen iney tahay  wakhti lumis.

Jariidada “Telegraph” sida ay sheegayso, cilmibaaristu waxay daaha ka rogtay in saacadaha badan ee  shaqada aan laga wada faa’ideysan, waxaaba dhici kartay, ayay leedahay, iney shaqada dileyso, iyadoo cilmibaaristu tilmaamay in 3 saacadood oo qura ay ku filan tahay in shaqo wanaagsan la qabto waxsoosaar sare la sameeyo.

Daraasadda ayaa hoosta ka xariiqday in shaqaaluhu inta badan wakhtiga ay ku lumiyaan baraha bulshada iyo iney qabsadaan howlo kale oo aan khuseyn shaqadooda, taas oo ka dhigan iney habboon tahay in saacadaha shaqo la iska soo koobo.

Cimibaaristan ayaa lagu sheegay in habkii 1989 ee shaqaaluhu ay 8 saacadood shaqeynayeen aan maanta loo baahneyn, waxayna tilmaameen in wax-soo-saarka rasmiga ah ee shaqaaluhu uu socdo Labo saacadood iyo 53 daqiiqo maalintii, waana inta aaney qado aadin ka hor.

Maandeeq FM

Related Articles

Close