arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Dilaagii Las Vegas …Macluumaad Naxdin leh oo Laga Helayo & Aabihii oo aan Ka Shar Yareyn    

Stephen Paddock oo ahaa ninkii dhacdadii dhiiga badneyd ka geysay dalka Mareykanka ayaa aabihii laga helayaa macaluumaad aad u naxdin leh, waxaa la yiraahdaa Benjamin Hoskins Paddock, waxaanuu ka mid ah dadkii loogu raadinta badnaa booliska Mareykanka bartamihii Qarnigii hore ee aan kasoo gudubnay.

Jariidada Daily Mail ayaa faafisay warqad ay soo saareen FBI da Mareykan oo taariikhdeedu ahayd Marso 18, 1969, iyadoo Paddock aabaha ah uu ku eedaysnaa tuugada Bankiyada dhacda, waxaana loo aqoonsanaa inuu yahay nin khatar badan.

Paddock-ka wiilka ah ee dadka laayay habeenimadii Axadda, dhacdadii dadka 50 qof ah ay ku geeriyootay, boqolaalka kalena ay ku dhaawacmeen ayaa waxa uu horey u lahaa tariikh aan wanaagsanayn oo dhanka caafimaadkiisa ah waxa uu ahaa qof nafsiyan u jiran, taana aabihii ayuu kala sinnaa.

Macluumaadka ay helayso jariidada Daily Mial Stephen Paddock oo 64 jir ah waxa uu ahaa duuliye diyaaradeed oo rukhsaddii haysta, waxaanuu aad u jeclaa ugaarsiga, weligiina wax dambi ah oo hore looma diiwaangelin.

Waxa uu lahaa guri qiimihiisu ku fadhiyo $400,000(Afar boqol oo kun oo dollar) oo uu iibsaday sanadkii 2015 oo uu ka iibsaday xaafad ay dagan yihiin dadka howlgabka ah ee Biscayette oo magaalada Las Vegas looga socdo masaafo dhan 90 daqiqo una jirta 130 KM.

Waxa uu la noolaa Marilou Danley oo ay wada daganaayeen guriga oo iyaduna 61 sano jir ahayd, taas oo ay boolisku ay baadi goobayaan.

Arrinta aadka loola yaabay ayaa ahayd kadib markii guriga dilaaga laga helay 10 qori oo yaalla qolkii uu isku dilay, arrintaas oo muujineysa xakayn la’aanta hubka ee gudaha Mareykanka ka jirta.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close