CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Faa’iidooyinka Caafimaad ee Toonta Laga Helo

Dadbadan ayaa toonta uga carara urta gaarka ah ee ay leedahay, laakiin faa’idooyinka ay leedahay ayaa ah kuwo ku illowsiin kara saameynteeda taban ee dhinaca urteedeeda ah.

Faa’idooyinka ay toontu leedahay aad ayay u farabadan yihiin, laakiin waxaa ugu waaweyn 5 qodob:

1 .Waxay xoojisaa habdhiska Difaaca Jirka.

2 .Cadaadiska dhiigga ayay dejisaa.

3 .Waxa ay dhiirigelin fiican u tahay beerka, waxaaney jirka ka saarta suntiisa.

4 .Haddii mushkilado dhanka caloosha ah ay ku haysato, toontu waxay xoojisaa xiidmaha, waxaanay u roon tahay calool furanka, gooryaankana way. la dagaalantaa.

5 .Marka aad dareento dawakhaad, Lalabbo(matagu marka uu kusoo hayo), amaba aad madax xanuun dareento, arrimahaas oo dhan waxaa u wanaagsan toonta.

Maandeeq FM

Related Articles

Close