WararkaWaxbarashada

Iskuul ay Dhigato Ardayad Qura.. Manhaj Dhameystiran ayay Qaadataa

Iskuul ayaa albaabada loo furaa Subax walba, waxaase dhigta ardayd qura oo kali ku ah, duruustana waxay u qaadataa sida iskuul la buuxo oo kale.

Ardayddan oo fasalka Lixaad dhigata  da’deeduna tahay 10 jir ayaa waxay qaadataa manhajka iskuulka oo dhameystiran, kaligeed ayaa ciyaarta xilliyada nususaacaha, waxay la cuntaysaa shaqaalaha iskuulka oo si wanaagsan u koolkooliya maadama ay sababteeda iskuulku ku furan yahay.

Sida jariidada Daily Mail ay dabacday,  Iskuulkan oo la yiraahdo Ingus Community Primary School, ayaa waxa uu ku yaallaa magaalada Skipton ee gobolka North Yorkshire ee gudaha dalka Ingiriiska, iskuulkan ayaa xilligiisii hore ahaa meel arday badani ay wax ku barato.

Iskuulkan howshiisu si caadi ah ku socotaa, iyadoo hal-arday oo qura uu joogo, halkaas oo macallimiintu ay shaqo full-time ah ay ka qabtaan halka shaqaalaha soo dhaweynta iyo maamulku ay ku shaqeeyaan si Part-time ah oo wakhti dhiman ah.

December-tii lasoo dhaafay ayaa la qaaday tallaabooyin la damacsanaa in lagu xirayo iskuulka, iyadoo dugsigiisa hoose ay dhiganayeen illaa 42 arday, laakiin markii waalidka loo sheegay in iskuulka la xirayo, ayaa 41 arday waalidiintoodu waxay ku dareen iskuulaad kale.

Sida sharcigu yahay iskuulku si uu shaqadiisa u sii wato, waxaa lagama maarmaan ah iney joogaan 3 shaqaale oo ka mid ah hay’adda waxbarashada.  golaha deegaanka magaalada ayaa bisha soo socota go’aan kasoo saari doonaan Iskuulka inuu sii soconayo iyo in la xirayo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close