WararkaWaxbarashada

Puntland: W/Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo Agab Waxbarasho Ku Wareejisay Dugsiga Sare ee Degmada Iskushuban

Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa agab waxbarasho ku wareejisay dugsiga sare ee degamda Iskushuban.

Qalabka waxaa la wareegay Ciise Maxamuud Cumar oo xubin ka ah gudiga dan-wadaag isagoo ku wareejin doona dugsiga sare ee Cali-Daawad ee degmada Iskushuban ee gobolka Bari, dugsigaas oo leh maktababad ay dhiseen golaha horuamrinta bulshada ee dan-wadaag.

Qalabka wuxuu isugu jira buugaag manhajka dugsiga sare iyo kuwo loogu talogalay in lagu kobciyo aqoonta iyo garaadka waxbaasho ee ardada waxkabarata degmada iskushuban.

Agaasimaha guud ayaa kula dardaarmay ardada in ay ka fa’iidaystaan cilmiga iyo aqoonta hadiyada lagu siiyey ee guryahooda loogu geeynayo, wuxuuna sheegay in aysan dayicin fursadaas , wasaaraduna ay garab taagan tahay ardayda wax karabarata guud ahaan Puntland gaar ahaan degmada Iskushuban

BY: Deeq Hurevov.
Madax-xirka Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare

Maandeeq FM

Related Articles

Close