arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Dunida Qiimaha Badan…Buug ay Qortay Canugyar oo Suuriyaan ah oo Lagu Daabacay Dalka Mareykanka

Talaadadii shalay waxaa soo baxay buug ay qortay gabadhyar oo Suuriyaan ah oo 8 jir ah lana yiraahado Bana al-Arbed, waxaa magaca buugga la yiraahdaa Dear World (Dunida Qiimaha Badan).

Bana waxay ku caanbaxday farriimeheeda ay soo dhigeysay barteeda Twitter-ka ee is dabajoogga ahaa oo ay kaga waramaysay dhibaatooyinka caruurta Suuriya gudaheeda ku haysata ee dagaalku ku habsaday, iyadoo garab ka helaysa hooyadeed oo ahayd macallimad luqadda Ingiriiska wax ka dhigta, buugeedan cusub waxay kula hadleysaa dunida waxaanuu ku soo baxay luqadda English-ka

Maanta oo Arbaco ah ayaa kulliyadda sharciga ee New York laga sugayaa iney ku saxiixdo buugeeda oo halkaa lagu daahfurayo, buugga Dear World ayaa durbaba waxaa iibineysa shirkadda Online ka wax looga iibsado ee Amazon, waxaana soo daabacday shirkadda daabacaadda ee Simon & Schuster ee dalka Mareykanka.

Sida hay’adaha Qaramada Midoobay ay sheegayaan dagaalka Suuirya ayaa sababay iney waxbarasho la’aan ay ku dhacdo in ka badan  l,700,000(hal-milyan iyo todob boqol oo kun) oo caruur ah, xilli Suuriya ay ka mid ahayd dowladaha Carbeed ee heerka ummi-nimadoodu aadka u  hooseeyo.

December tii kal hore ayaa Bana waxay gaartay goobaha ay mucaaradka Suuriya xukuumaan Waqooy-galbeed dalka Suuriya kadib markii iyada iyo qoyskeedu ay kasoo qaxeen magaalada Xalab oo in muddo ah go’doonsaneyd.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa Bana iyo qoyskeeda ku qaabilay qasriga madaxtooyada Turkiga ee caasimadda Ankara, kadib markii ay halkaa gaareen, waxaanuu siiyay jinsiyadda dalkiisa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close