DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Maqaal: Astaamaha Macallinka Wanaagsan Lagu Garto

Marka aan ka hadleyno macalinka wanaagsan ama aan doonayno in aan tilmaamno astaamaha wanaagsan ee uu leeyahay waa arrin aad u arrin aad u qaaliya kuna habboon in wax badan laga yiraahdo.

Qof kasta oo inaga mid ah waxaa waxsoobaray macalimiin kala duwan, dhammaantoodna aaney kala dhicin, laakiin arday kasta macallin ayaa raad ku reeba oo noloshiisana aanuu marnaba illoobin. hadaba maanta qoraalkan waxa aan doonayaa in aan ku soo qaato dhawr sifo oo macallimiinta wanaagsan ay ka siman yihiin oo qofkii lagu arko lagu tilmaami karo macallin tayo sare leh.

Astaamaha wanaagsan ee macalinku uu lahaan karaa waa tira badanyihiin:-

Astaamaha u gaarka macalinka wanaagsan 

1 .Macalinka wanaagsan waa macallin xanbaarsan arigti fog oo f ku saleysan cilmi iyo horumar, taasina waxa ay u horseedeysaa in macalinkaasi uu noqdo mid ujeedkiisu cadyahay laga dareemi karo goobta uu wax ku barayo dadka.

2 .Macalinka wanaagsan ma’aha macalin marwalba suga  mahadcelin dadka kale ama in lagu amaano  hawshiisa jecel, waayo waxaa mahadcelin ugu filan in wixa uu dhigaa ay yihiin wax nolosha oo dhan  kula soconaya waa aqoona’e.

3 .Macalinka wanaagsan waa macalinka dhegeysta ardeydiisa u dhega nuglaada kala garta xiliga uu la hadli karo ardeydiisa iyo  xiliga uu ka aamusi  karo

4 .Sifada kale ee macalinka wanaagsan lagu garto  waxa ay tahay in uu yahay mid marwalba xambaarsan rajo gelin wanaagsan oo saameyn xoogan ku yeelaneyso ardeyda uu markaas wax u dhigayo

5 .Astaanta shanaad waxa ay tahay  in lagu garto  macalinkaasi  in uu yahay macalin marwalba ammaana ardeydiisa kan daciifka ahna  kobciya garaadkiisa, kan fiicana sii dhiirigeliya.

Astaamaha macalinka wanaagsan ee gudaha fasalka  

. Kumanaan kun oo macalimiin ah ayaa maalin walba  ardeyda wax u sharaxda macallin walbana waxa uu leeyahay  nidaam u goonni ah inta uu ku guda jiro sharaxaada qaab wanaagsan, laakiin macallinka wanaagsan waxa uu leeyahay sifaad wanaagsan  oo  tilmaamaysa in uu ka duwan yahay macalinka kale sifooyinkaa waxaa ka  mid ah

. In marka hore uu salaamo ardeydiisa kuna salaamo farxad iyo weji wanaagsana ku qaabila.

. In uu sameeyo dhoola cadeyn waayo  waxa ay ka tarjumeysaa  wanaag iyo soo dhowen.

. Macalinka wanaagsan waxaa lagu garaa in uu la kaftamo ardeysiisa  inta uu sharaxaada ku jiro taasi waxa ay  ardeyda u horseedeysaa in ay  la socdaan macalinka casharkana fahmaan.

. Arinta afaraad ee macalinka wanaagsan lagu garto waxa ay tahay in uu yahay qof cod kar ah ardayda oo dhana ay maqli karaan codkiisa inta uu sharaxaadda ku guda jiro.

. Sifada kale ee lagu garto macallinka wanaag waxaa ka mid ah in ardeydiisa uu su’aalo weydiiyo  inta ay  ku sugan yihiin fasalka gaar ahaan inta uu kuguda jiro sharaxaada taasina waxa ay  ardeyda u  horseedeysaa feejignaan joogta ah  iyo in ay  la socdaan macalinka.

. Astaamaha wanaaga macalinak waxaa ka mid ah in uu sameeyo dhaqdhaqaaq  xiliga uu ku sugan yahay  fasalka  oo ku  dhex wareego  arintaasi waxa ay  abuuraysaa in ardayda oo dhan ay  la soconkaro dhaqdhaqaaqooda  waana  astaamaha wanaagsan ee macalinka lagu garto.

. In u xiriir jooga ah la sameeyo waalidiinta si uu daba gal ugu sameeyo  ardeyga xaalada ardaygana jecel in uu wax ka ogaado.

. In uu adeegsado    habab kala duwan   inta uu casharka  sharxayo waa  arin soo jiidasha leh macalinkana  tilmaameysa in uu fiicanyahay.

. Qosolka iyo kaftanka oo ah laba sifo oo aan macalinka  haybadiisa  wax u dhimeyn ayaa ah astaamaha  wanaagsan ee  macalinka  waayo  labadaasi arimood waxa ay xoojinayaa xiriirka  macalinka iyo ardayga.

. Waxaa sifa wanaagsan  macalin ka u ah laguna gartaa in macalinkaasi uu yahay  macalin wanaagsan  waa marka uu  cadaalad u sameeyo  ardaydiisa  oo uusan cidna u eexan.

. In uu kobciyo aqoontiisa oo uusan ku ekaan keliya  maadada uu barayo  waa arin  mar walba   ku dhiira gelisa  ardayda  in  ay  ku daydaan macalinkooda.

. Astaamaha macalinka wanaagsan  iyo sifaadka uu  leeyahay waxaa qeyb ka ah in uu yahay  macalin  xirir wanaagsan la leh maamulka iyo  macalimiinta kale ee ku sugan  hoyga waxbarashada.

Ugu danbeyn,  Astaamaha macalinka wanaagsa  kuma koobna inta aan hadda sheegnay  oo keliya, laakiin waa inta aan isleeyahay waa kuwa ugu  muhiimsanyihiin, waxaan filayaa in dhammaanteen  aan ka wada faa’iideysan doonno.

W/D : Xasan Cabdi Maxamed ( Xasan yufle )

Emaillka : ceergaabo2015@gmail.com

Maandeeq FM

Related Articles

Close