WararkaWaxbarashada

Masar oo Arday Qatari ah Ka hor-istaagtay Iney Dhameystirtaan Waxbarashadooda ay In muddo ah Ku Qaadaneyeen Dalkaas

Urur u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha oo xaruntiisu tahay gudaha dalka Qatar ayaa sheegay in 190 arday oo Qatari ah loo diiday iney dhammeystaan waxbarashooda oo ay ku qaadaneyeen gudaha dalka Masar, kadib markii lagu soo rogay shuruudo adag.

Ururkan oo aan ah mid aan dowli ahayn oo bayaan soo saaray Talaadii shalay ayaa sheegay iney soo gaartay xafiiskooda “190 cabasho oo arday Qatari ah oo ay ka cabanayaan jaamacadihii ay wax ka baraneyeen oo loo diiday iney waxbarashadooda sii dhameys tirtaan, qaarkoodna loo diiday iney ka qeybgalaan imtixaanka bishii September ee 2017.

Ardaydan ayaa lagu xiray shuruurdo ah in marka hore dhanka amniga kasoo helaan ogolaanshiyo ka hor inta aan loo ogolaan dal ku-galka iyo iney imtixaanka galaan, waa sida ururka xuquuqda aadanaha ee gudaha Qatar ka dhisan uu sheegayo.

Xukuumadda Masar ayaan eedaymaha ayaa eedaymaha loosoo jeedinayo wax jawaab ah ka bixin.

Ugu dambeyn, Laga soo bilaabo bishii June ee lasoo dhaafay ayaa dalalka Masar, Sucuudiga, Imaaraatka iyo Baxreyn ay xiriirkii diblumaasiyadeed u jareen dowladda Qatar, iyagoo ku eedaynaya iney argagixisada taageerto, dhanka kale dowaladda Qatar ayaa beenineysa eedaymahaa loosoo jeedinayo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close