WararkaWaxbarashada

Saynisyahanno u Kala Dhashay Dalalka Swiss, Mareykanka, British oo ku Guuleystay Abaalmarinta Nobel Prize-ka Chemistry-ga

Akaadeemiyada Sayniska ee Royal Swedish Academy ayaa ku dhawaaqda Arbaca maanta ah, in culumada kala ah Jacques Dubochet, Joachim Frank iyo Richard Henderson ay ku guuleysteen abaalmarinta Nobel Prize-ka ee chemistry ee 2017.

Saynisyahannadan  ayaa lagu sharfay dadaallo ay ka sameeyeen horumarinta qalabka sawirka teknoolajiyad laabka elektroonikga ah ee “Micro-eletron microscopy” si loo fududeeyo sawirka Biomolecules-ka ilmaqabatiga ah.

Bayaan ay Akeemiyadu soo saartay ayaa lagu sheegay “Habka ay soo saareen culumadani waa waa-cusub oo u baryay cilmiga biochemistry-ga”,  waxay intaa sii raaciyeen, “cilmibaarayaasha biochemistry waxaa u suurtogaleysa iney sawiraan waxyaabo aaney horey u arki jirin, waana arrin muhuum u ah horumarinta daawooyinka.”

Qiimaha abaalmarinta ay heleen culumadan-Saynisyahannada ah ayaa gaareysa illaa 9 million oo Karoon oo u dhiganta ($1.1 milyan oo dollar).

Ugu dambeyn, Abaalmarinta Nobel Prize ayaa la bixinayay laga soo bilaabo sanadkii 1901, waxaana lagu bixinayay Sayniska, Suugaanka, Nabadda, amarka abaalmarinta lagu bixinayo waxaa ka dardaarmay  Alfred Nobel oo ahaa qofkii soo ikhtiraacay Dynamite-ka.

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close