WararkaWaxbarashada

Somaliland: 1300 Arday oo Aan Ku Baasin Imtixaankii Shaadiga ahaa ee Dugsiga Sare oo Loo Bilaabay Waxbarasho Wakhti Kooban ah

1300 oo arday  oo ka mid ah 1700  oo aan ku baasin imtixaankii shahaadiga ahaa ee sanad dugsiyeedka 2016/2017 ayaa waxbarsho dib u dhis ah oo muddo 4 bilood ah  uga bilaabatay maanta  magaalada Hargaysa.

Agaasimaha cusub ee xafiiska tayaynta waxbarashada ee wasaaradda waxbarashada Somaliland Maxamed Saleebaan Cumar oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in waxbarashadii dib ugu bilaabaneyso ardaydii aan ku baasin imtixaanka shahaadiga ahaa ee magaalada Hargysa.

Agaasimuhu waxa uu sheegay in waajibaadka koowaad ee waaxdiisa cusubi tahay in ay dib u dhis u sameeyaan ardaydii aan ku baasin imtixaankii shahaadiga ahaa ee sanad dugsiyeedka 2016/2017:

“Sidaad la wada socotaan, waxaa dhawaan wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Cabdullaahi Ibraahim Habane uu soo kordhiyay xafiis cusub oo kaabista iyo dib u tayaynta waxbarashada qaabilsan, xafiiskaasi howlihiisa wuu bilowday illaa iyo hadana si fiican bay u socdaan. Waajibaadka xafaaskaa waxaa ugu horreeya sidii kaabis iyo dib u tayayn loogu sameyn lahaa ardaydii tirada badneyd ee aan ku guuleysan imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee dhawaan ka qabsoomay dalka sanad dugsiyeedka 2016/2017.”

Ardyada ayuu u tilmaamay halka ay waxbarashu uga bilaabaneyso iyo goobaha loo diyaariyay:

“Maanta halkan waxaan doonayaa inaan farriin uga diro, guud ahaan ardaydaas oo 1700 dhamaa oo 1300 iyo dheeraad ay kasoo jeedeen magaalada Hargeysa, farriinta aan halkan uga gudbineyaa waxa weeye tacliintoodii waxaa dib loogu bilaabayaa 4 bisha Tobonaad, maalinta Arbacada ah, waxay tagayaan 7 subaxnimo dugsiga sare ee Dayib-guray, Dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Madar iyo Dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Bashiir hadba kii u dhaw, saddexdaa dugsi ayay tacliintii ka bilaabaneysaa, fasalladii halkaas ayaa looga banneeyay, macallimiin tayo leh ayaa loogu diyaariyay, waxbarashadaasi muddo 4 bilood ah ayay soconeysaa, February sidaas aay imtixaankii ku galayaan, markaa ardaydaa waxaan ku boorinayaa iney fursaddaa ka faa’ideystaan oo aaney wakhtigaa dayacin, dhammaantooda hadba meeshii u dhaw ay iska xaadiriyaan.”

Agsaame Maxamed Saleebaan ma’aanuu xusun ardayda illaa 400 gaareysa ee gobollada kala duwan ee Somaliland ah halka ay iyagana ugu talogaleen ee waxbarashadooda dib uga bilaabaneyso.

 

Ugu dambeyn, Ardayda Imtixaankii shahaadiga ahaa aan ku baasin sanadkan waxay u badnaayeen arday imtixaanka looga saaray mobillo ay wateen, maadaama sharciga imtixaanka uu mamnuuc ka ahaa taleefannada gacanta oo loo arkayay qaab qishka lagu fududeysan karo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close