arrimaha bulshadaDugsiyadaWararkaWaxbarashada

Abwaan Ishiquro oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Nobel Prize-ka Suugaanta 2017

Abwaanka iyo Qoraaga dhanka riwaayadaha reer Britain ee asal ahaanna kasoo jeeda dalka Japan ee Kazou Ishiguro ayaa ku guuleystay abaalmarinta Nobel Prize ka Suugaanka 2017, sida ay ku dhawaaqday akaadeemiyada reer Sweden ee baalmarinta bixisa.

Doorashada waxaa sameeyay mu’alifiin, taariikhyahanno iyo cilmibaarayaal dhanka suugaanta iyo culuumta luqadaha ah oo si gaar ah loosoo xulay, Ishiquro ayaa laga soo dhex xulay 5 murashax oo abaalmarinta u taagnaa, waxaanuu ku helay waxqabadkiisii iyo ruwaadaha uu curiyo oo ah kuwo soo jiita dareenka dadka, iyadoo ruwaayadihiisa qaar loo bedelay aflaam si weyn u guuleystay.

Sanadkii hore ayaa abaalmarinta Suugaanta waxaa ka dhacay lama filaan kadib markii fanaan reer Mareykan ee Bob Dylan  la guddoonsiiyay abaalmarinta si caadada abaalmarinta ka baxsan, si loogu sharfo kaalintiisa faneed oo ay u arkeen mid qiimo badan.  

 

Maandeeq FM   

Related Articles

Close