WacyigelinWararkaWaxbarashada

Deeqo-waxbarsho oo Caalami ah oo aad Codsan Karto Bisha October

Marka ardayda dugsiga sare dhameeyaan oo ay gacanta ku dhigaan shahaadadooda dugsiga sare, arday kastaa waxa uu u hanqal taagaa waxbarasho jaamacadeed, halka ardayga darajada koowaad ee Bachelor  dhameystaa ay u baahanyihiin Masters iney gaaraan, halka kuwa Masters-ka dhameystayna ay u baahan yihiin P.H.D iney tiigsadaan.

Waxaa iska caadi ah in arday badani ay u hanqal taageen iney dibadda wax ku bartaan oo jaamacado dalal kale ay raadiyaan, si ay u hantaan shahaado caalami ah oo leh qiimo cilmiyeed iyo mid shaqo labadaba.

Hadaba, waxaan idiin soo gudbineynaa Minxooyinka Waxbarasho ee Bishan October aad codsan karto oo haddii aad nasiib u leedahay aaney cidina kaa hor istaagi karin:

1  .Deeq-waxbarasho ee Jaamacadda VICTORIA ee New Zealand

Minxadan waxaa si gaar ah u hela ardayda dooneysa iney diyaariso darajada P.H.D ee maaddooyinka Falsafadda, Ganasiga, Suugaanta, Music, Qaanuunka iyo Saniska.

Minxadan waxaa looga golleeyahay in lagu dhiirigeliyo ardayda waxbarashada sare ee dunida waa minxo u furan ardayda gudaha iyo dibadda New Zealand.

Shuruudaha qaar waxaa lagaa rabaa iney shaqadaada caddeyn u keento iyo cilmibaarsiyada aad sameysay oo lagaa koontaroolayo maadada aad xulato.

Si faahfaahin badan aad u hesho guji halkan.

 

2  .SEEBLUE oo ah DaraJo ka sarreysa P.H.D gudaha dalka Mareykanka

Jaamcadda Kentucky ayaa soo hindistay shahaado cusub oo la bixiyo oo la siiyo dadka P.H.D horey u soo dhameystay, magaca ayaa ah mid lagu sharfay ardaygii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee daraasaadka sare ka qalinjabiyay dalka Ingiriiska  lana oranjiray Lyman T. Johnson.

Shahaadadan ayaa kaalin ka ciyaarta qorsheynta iyo fulinta barnaamijyada cilmibaarisyada heerka sare kuwaas oo kaalin ka ciyaaraha manhajka guud ee waxbarshada iyo cilmibaarista.

Minxada ayaa ah mid si dhameystiran loo maalgelinayo , waxaana mudnaanta la siinayaa dadka qorshe gaar ah u dagsaneyn kadib P.H.D.

Si aad u codsato minxadan Halkan guji

 

3  .Deeq-waxbarasho Bachelor ah gudaha dalka Mareykanka 

“The Gilbert and Marcia Kotzen Scholars Program”, waxaa loo yaqaanna minxada kulliyadda  Simmons ee ardayda ugu wanaagsan, waa minxo uu qeyb iska bixinayo ardayga.

Si aad u codsto, waxaa lagaa rabaa inaad luqadda English ka si wanaagsan u taqaanno shahaado gaar ahna aad ka sidato, rajada celceliska imtixaankaaguna waa inaanuu ka yaran 3.3 illaa 4 ama mid ka sarreysa, farriin 250 kalmadood ka kooban oo aad ku tilmaameyso hadafkaaga waxbarasho.

Wixii faahfaahin ah halkan guji

 

4  .Fursad Dumar oo Masters degree ah dalka Australia

Sydney University dumarka xiisaynaya iney kaalin wanaagsan ka gaaraan Business administration oo doonaya iney Masters kooda ka dhigtaan maadadaas, jaamacadda ayaa 66% kharashaadka minxada qabta oo bixineysa.

Jaamacaddan ayaa lagu tilmaamaa iney ka mid tahay 8 jaamacadood ee dunida ugu wanaagsan.

Codsigaaga si aad u gudbiso faahfaahinna aad u hesho halkan Guji 

5  .Scholarship Bachelor’s Degree ee jaamacadda Toronto ee dalka Canada

Waa minxo waxbarasho oo lacag la’aan ah oo si dhameystiran lagaaga bixinayo kharaashaadkeeda, waxaana ku dhawaaqay barnaamijka Lester B. Pearson oo bixiya minxooyinka caalamiga ah ee dowladaha dunida, waxaa wax ka baraneysa jaamacadda University of Toronto ee dalka Canada sanad dugsiyeedka 2018-2019.

Si aad isku diiwaangeliso guji halkan

Si kastaba, Minxooyinkan waxbarasho ayaa mid kastaaba waxaa ku xiran shuruudo ay habboon tahay inaad marka hore iska eegto oo aad si wanaagsan u akhriso,  kadib waxaa kuu fududaaneysa inaad si waangsan u fahamto waxa lagaa rabo, haddii kale waxaa dhici karta iney shuruudaha qaar aad ka soo bixi weydo kadibna lagu aqbali waayo.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close