WararkaWaxbarashada

Madaxweyne Farmaajo: Dalka Suudaan Waxaan Uga Baahannahay Deeqo-waxbarasho oo Dheeraad ah

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Suudaan ayaa dowladda dalkaasi ka codsaday iney kordhiyaan minxooyinka waxbarasho ee la siiyo Soomaaliya.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Anatolia, Madaxweynaha ayaa ugu horreyn waxa uu ammaan usoo jeediyay dalka Suudaan “Suudaan Somaliya ayay garab taagneyd xilliyadii adkaa ee aan soo marnay.”

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in hadda 6 kun oo arday ay wax ku bartaan gudaha dalka Suudaan oo ay jaamacadaha kala duwan dhigtaan, laakiin weli ay u sii baahan yihiin deeqo-waxbarasho oo cusub oo loo fidiyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalinimadii shaly gaaray dalka Suudaan, gaar ahaan caasimaddiisa Khartuum, booqasho rasmi ah oo Labo cisho qaadaneysa, iyadoo la filayo in labada dalka ay ka wada hadlaan arrimo dhowr ah oo khuseeya xiriirka labada dal.

Maandeeq FM

Related Articles

Close