WararkaWaxbarashada

Qoraa Mareykan ah: Maxaa Dhici Lahaa Haddii Dilaagii Las Vegas ahaan Lahaa Qof Muslim ah?!!

Maqaal Talaadadii lagu qoray jariidada New York Times ayaa qoraaga maqaalku is weydiiyay maxaa dhici lahaa haddii uu qof Muslim ah ahaan lahaa fuliyiha dhacdadii Las Vegas ee dhiigga badan u kaadatay. Kadib waxaa sii daba dhigay su’aalo kale oo ay ka mid yihiin, maxaa dhici lahaa marka uu falka geysanayo haddii uu ku dhawaaqi lahaa “Allaahu Akbar”..Maxaa dhici lahaa haddii uu ka tirsanaan lahaa Daacish, maxaa dhici lahaa haddii la hel lahaa sawir isagoo  “Musxaf” gacan ku haysta, gacanta kalena qori ku haysta.

Waxa uu qoraagu ku jawaaba “Haddii arrimahaas oo dhan ay dhici lahaayeen, “isla markiiba waxaa la iskugu yeeri lahaa fadhiyo degdeg ah oo Congress ka, waxaana lagu dhawaaqi lahaa falkii argagixiso nimo ee ugu ba’naa kadib dhacdadii September 11..Donlad Trump saacad kasta Twitterkiisa lagama nasteen isagoo dadka u sheegi lahaa “Horaan arrimahan oo kale idinka digay”, waana sida caadaha u ah ee looga bartay marka fal argagixiso leh uu ka dhaco qaaradda Yurub, waxaanuu isla markiiba siyaasadeyn lahaa arrimaha dhaca.

Waxa uu intaa sii raacinayaa “Waxa uu codsan lahaa in guddi loo saaro dhacdada baarta, waxa uuna soo saari lahaa wareegtooyin cusub si mar dambe arrintan oo kale aaney u soo noqnoqon, kadibna waxaa la eegi lahaa tallabada ku habboon ee laga qaadi karo waddan kale oo laga aargoosto.

Friedman ayaa intaa sii raaciyay “Maxaa hadda dhacaya marka qofku uu Mareykan noqday oo hub ciidan lagu dagaalgelin karana uu haystay? Iyadoo hubkaa uu iibsaday ama uu si sharci ah ku haystay weliba?

Dilaagu waa Stever Padock waxa uu dadka kasoo toogtay dariishadda hotelka Mandalay Bay oo daris lahaa halkii ay xafladdu ka dhacaysay ee Las Vegas, waxaa dhintay 59 qof, boqolaal kalena way ku dhaawacmeen.

Friedman waxa uu leeyahay sida ay hadda wax u socdaan waxa ay u eegtahay in madaxweynaha iyo xisbiga Jamhuuriga ah ay isku dayayaan iney xaaladda ka dhigaan sidii inaaney waxba dhicin oo kale, waxaaney u dhaqmayaan si ka duwan dhacdooyinka argagixisada oo kale, waxaan hadda la arkayn tallaabooyinkii loo bartay in la qaado marka falal argagixiso ay dhacdo, waxa uu qoraagu kula talinayaa iney muraayadda isku eegaan(waa madaxweyne Trump iyo xisbiga Jamhuuriga) oo xakameynta hubka ee ay mucaarad sanyihiinna ay iska daayaan.

Madaxweyne Trump ayaa ku tilmaamay shakhsiga dilka geystay inuu yahay “Qof jirran oo aan caadi ahayn.”

Ninka weerarka geystay ee Podock ayaa waxaa laga ag helay 42 baaskooladood iyo qoryo (23 waxaa laga helay qolkii uu hotelka ka daganaa, halka 19 kalena laga helay gurigiisa), waxaad intaa ku dartaa kumanaan baakadood oo rasaas ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close