TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Taleefoon Casi ah oo Qolka Hurdada Ka Eryaya Duumada

Tallaabo soo jiidasho leh, shirkadda LG ayaa suuqyada soo gelisay mobileka “LG K7i” oo wata teknoolajiyad heersare ah oo la dagaalameysa Kaneecada(Duumada), tallabo ay shirkaddu uga golleedahay in lagula dagaalamo cudurka Malaariyada.

Sida uu qoray website-ka “Business Insider” teleefoonka ayaa soo daynaya hirarka mowjado Ultrasonic ah oo korontada soo dhex mareysa, looguna talogalay iney kaneecada ka erido qolka hurdada, iyadoo dhinaca dambe oo mobile ka loogu talogalay in cayayaankaa lagula dagaalamo.

Habkan cusub ee lagula dagaalamayo kaneecada ayaa horey waxaa suuqyada u yaallay telefishinno iyo hawo-qaboojiyaal, laakiin hadda waxaa kusoo biiray mobile smarts ah oo in badan ka qeybqaadanaya in qolka hurdada laga eryo kaneecada.

Mobile kan ayaa qiimaha suuqa uu ka joogaa ay tahay $122(boqol iyo labo iyo labaatan doolar) oo qura, waxaanuu ku shaqeynayaa habka “Android”, waxaana si hor dhac ah loo geeyay suuqyada India, iyadoo lagu tixligaliyay Kaneecada oo dhibaato badan ku haysa, galaafatan sanadkii Kumaan ruux oo sababteeda u geeriyooda.

Maandeeq FM

Related Articles

Close