WararkaWaxbarashada

Xukuumadda Somaliland oo Lagu Eedeeyay Iney Xaraashayso Dhulka Goobo Waxbarasho

Xuseen Axmed Ceydiid oo ah wasiirkii hore ee cadaaladda Somaliland, isla markaana hadda ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyay iney ubadka ku ridayaan mustaqbal la’aan xayndaabyadii iskuulaadkana ay dad kale ka xaraashayaan.

Wasiir Xuseen ayaa hadalkan ka jeediyay xaflad loo qabtay maalinimadii shalay taageerayaal cusub oo kusoo biirayay xisbiga mucaaradka ah ee waddani. Xuseen waxa uu xusay in  Iskuulkii Riis ee la dhisay xilligii Ingiriiska xayndaabkiisii laga iibinayo shakhsiyaad gaar ah:

“Shalayto dhacdadii ka dhacday iskuulka Riis ee Ingiriiskii dhisay, ee campout kiisa Ingiriiskii u xadiday, markii dhul banaan la dhameeyay, markii guryihii dowladda la dhameeyay, markii halbowlayaashii waaweynaa ee Qaranka la wareejiyay, si waxa kasoo baxa meel loo dhigto oo shisheeye lagula shuraakoobo loo fogeystay ee loo saxiixay dal kale 35 sanadood, shalay waxaa loosoo dhigtay dhulkii ku jiray gudaha dayrka Riis , waxaa ka horreeyay oo aad ogeydeen kii sheikh Bashiir.”

Waxa uu tilmaamay in arrintani ay mustaqbal xumo u horseedayso ubadka dhalandoona oo loo waayi doono goobo ay wax ku bartaan:

“Maanta haddii Saddex milyan iyo badh la inagu sheego, 10sanadood ka bacdi waxaa laga yaabaa ineynu noqonno 4 milyan iyo badh illaa 5 milyan iyo badh, dadka kordhayaa waxa uu ka bilowdaa caruur dhalata oo waxbarasho u baahaneysa, halkee loogu talogalay iney wax ku bartaan, marka dhulkii la xaraashay, marka dugsiga intii compount ka ugu jirtay la xaraashay halkee loogu talogalay goobihii ay wax ku baran lahaayeen, waxaad ogaataan in ubadka dhalan doonaa u dhacan yahay.”

Si kastaba, Xukuumadda Somaliland ayaa weli aan ka jawaabin eedaynta Xuseen Axmed Ceydiid ee ku saabsan iibina xayndaabka dhulka iskuulka Riis oo ka mid ah xarumaha waxbarasho ee ugu faca weyn.

Maandeeq FM

Related Articles

Close