arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Cilmibaaris Cusub: “Gabari Waa Hooyadeed, Wiilna Waa Aabihii”

Culumada Cilmi-nafsiga Mareykanka qaarkood oo cilmibaaris sameeyay ayaa ogaaday in hooyooyinku ay muhiimad gaar ah siiyaan gabdhahooda, halka aabayaashuna ay muhiimad gaar ah siiyaan wiilashooda.

Jariidada cilmi-nafsiga ee kasoo baxda gudaha Mareykanka  ayaa lagu soo daabacay daraasad tilmaameysa in inani tahay hooyadeed, wiilna uu yahay aabihii, isla markaana lagu ogaaday in hooyadu markasta u janjeerto inanteeda, halka aabuhuna uu si gaar ah u jecelyahay wiilashiisa, iyadoo sababtu tahay in hooyadu ay iska dhex arkayso inanteeda, halka aabuhuna uu iska dhex arkayo wiilkiisa.

Cilmibaaristan ayaa waxaa ka qeybgalay waalidiin haysta ilmo wiilal iyo gabdhaba iskugu jira, waxaa la marsiiyay dhowr tijaabooyin fudud oo kala duwan, iyadoo aan la ogeysiin ulajeedka tijaabooyinkaa laga leeyahay, intooda badanina waxay u haysteen tijaabooyinka la marsiinayaa iney ku saabsan tahay sida ay ilmahooda wax ugu horaan una dhaqaaleeyaan.

Waalidiinta ayaa waxaa la siiyay xoogaa lacag ah, laakiin natiijadu waxay noqotay in aabasha badankoodu ay lacagtii siiyeen wiilashooda, halka hooyooyinkiina ay gabdhahooda ku dhaqaaleeyeen oo ay lacagtii siiyeen.

Waxaase fiiro gaar ah la hayad, markii aabayaashii iyo hooyooyinkii cilmibaarista ka qeybqaatay ay isku raaceen inaaney ilmahooda kala jeclayn oo ay agtooda isku mid ka yihiin wiilal iyo gabdhaba, markii la waydiiyay. khubarada cilmibaarsu waxay arkeen in habdhaqanka waalid ee ah, inuu aabuhu uu wiilashiisa u iisho, hooyaduna ay gabdhaheeda u iilato, uu yahay mid aan ku talogal ahayn, laakiin ah mid ku abuuran waalidka.

Gabadha cilmibaaraha ee la yiraahdo Dewart ayaa sheegaysa, “Haddii si wacan loo sii hubsado cilmibaaristan, waxaa inagu waajib ah inaan ka shaqeynno sidii aan u wanaajin lahayn fikradaha hore ee aan aaminsanahay.”, iyadoo markaa tilmaameysay in natiijada cilmibaarista ay saameynteedu intaa ka sii ballaran karto oo caado ahaan ragguna ay ragga kale mudnaanta siiyaan guud ahaan dumarkuna sidoo kale ay dumarka kale siiyaan, oo ay soo geli karto shaqo bixinta oo kale.

Si kastaba, cilmibaaristan ayaa iftiimineysa oo fasiraad cilmi ah ka bixineysa maahmaahda Soomaaliyeed ee oraneysa, “garabri waa hooyadeed, wiilna waa aabihii”.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close