arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Dagaal Nolol iyo Geeri ah.. Mas 7 Mitir ah Iyo Nin 37 jir ah oo Dagaal Adagi uu Dhex Maray

Nin reer Indonesia ah oo da’diisu tahay 37 jir, ayaa waxaa u suurtogashay inuu la dagaalamayo mas weyn oo 7 mitir ah isla markaana uu ka adkaado, iyadoo uu soo gaaray dhawac culus oo dhanka garabka ah, iyadoo isla markiiba loola cararay isbitaal.

Jariidada Daily Mail ayaa qortay in ninkani uu gurigiisa ku sii socday, waxaase uu arkay labo qof oo wadadii mari kari la’ sababtana ay tahay mas weyn oo nooca “Python” ah oo wadadii isku gudbay.

Ninkan oo la yiraahdo Robert Nababan, ayaa waxa uu isla markii si geesinimo leh ugu dhaqaaqay inuu maska isku dayo inuu ka leexiyo wadada, laakiin Maskii ayaa soo weeraray oo garabka ka qaniinay. Dhacdadan ayaa ka dhacday Batang Gansal, Sabtidii lasoo dhaafay, waana sida BBC ay qortay Khamiistii Shalay.

Ninkan ayaa maska ugu dambeyn ka adkaaday, isagoo garab ka helay dadkii tuulad oo usoo gurmaday, mar wareysi lala yeeshay isagoo isbitaalka jiifay ayuu yiri “Waxaan isku dayay inaan qabto Maska, laakiin garabka ayuu iga qaniinay”.

Maanadeeq FM

 

Related Articles

Close