WararkaWaxbarashada

Dhakhaatiirta Psychiatrists Mareykanka oo Farta ku Fiiqay “Qofka Ugu Khatarta Badan Dunida”

Jariidada The Independent ayaa qortay 25 August 2017,  inuu soo baxay buug lagaga hadlayo “Xaaladda Donald Trump ee khatarta ah”, buugan waxaa tifaftiray caalimka cilmi-nafsiga Mareykanka ee Dr Bandy Lee, waxaana looga hadlayaa xaaladda nafsiyan uu ku sugan yahay madaxweyne Trump.

Buuggan waxaa wax ka qoray 27 dhakhtar oo dhanka psychiatrists ah iyo khubaro dhanka luqada ah, falanqeeyayaal, baro warbaahineed iyo wariye oo mid kastaaba uu chapter ka qoray buugga.

Dadkan Experts ah ee buuggan qoray ayaa tilmaamaya in madaxtinimada Trump ay abuurtay raad aan horey loo arag oo caafimaadka nafta ah gudaha dalka Mareykanka, waxayna ku tilmaameen hoggaamiyaha hadda ee aqalka Cad ee Mareykanka inuu yahay “ninka ugu khatarta badan dunida.”

Sida laga soo xiganaya qorayaasha buuggan, hoggaamiyaha Mareykanku waxa uu la tacaalayaa jirro maskaxeed culus oo dadka kale soo jiidaneysa.

Wakaaladda “Interfax” ayaa sheegtay in buugga uu suuqa soo gelayo October 3, 2017, waxaana laga iibsan karaa Amazon, iyadoo qiimihiisu yahay $16.79.

Maandeeq FM

Related Articles

Close