WararkaWaxbarashada

Soomaaliya & Suudaan oo kala Saxiixday Heshiisyo ay Waxbarashadu Ka Qeyb Tahay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Suudan ayaa dhigiisa dalkaasi Suudaan Cumar al-Bashiir la gaaray heshiisyo hor dhac ah oo ay ka mid tahay iskaashiga dhica waxbarshada.

Sida aan kasoo xigannay wakaaladda wararka ee Sonna, heshiisyada labadan dhinac ay isla gaareen waxaa ka mid ah:

–  “Waxay isla garteen labada dhinac in la iska kaashado dhinacyadda Beeraha, Waxbarashada, Ganacsiga xoolaha, Baasaboorka, Safaradda iyo Duulimaadka rayidka ah.

–  In la sameeyo guddi siyaasadeed ee wasaaraddaha arrimaha dibadda labada dhinac, si loo dardargeliyo xariirka dhabaha cusub loo xaaray ee Somalia iyo Sudan.

Si kastaba, Madaxweyne Farmaajo ayaa maalinimadii Arbacada ee October 4, 2017, gaaray dalka Suudaan, gaar ahaan caasimaddiisa Khartuum, booqasho rasmi ah oo Labo cisho qaadaneysa, taas oo hadda soo gabagabowday.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close