WararkaWaxbarashada

Dalka Masar oo Sanadkan la Dallacsiinayo 523,846 macallin.. Dallacsiintii Ugu Baaxadda Weynayd Abid ee Taariikhda dalkaasi

Wasaaradda Barbaarinta iyo Waxbarashada Farmsamo ee dalka Masar ayaa Maanta oo Sabti ah bilaabaysa  tababarro dallacsiin heer Qaran ah oo loo sameynayo macallimiinta dalkaasi.

Wasaaradda ayaa hoosta ka xarriiqday in tababarradu ay ka bilaabanayaan 300 oo sheybaar oo internet ka ku xiriirsan, lagana bixinayo tababarrada dallacsiinta ah “barnaamijyada bankiga aqoonta-fullinno cilmibaariseed oo la sameynayo.”

Dr. Hassan Abdel Basset Al-Jawishi oo ah maamulaha guud ee barnaamijka dallacsiinta ah ayaa sheegay in tirada macallimiinta ah ee la dallacsiinayo sanadkani uu gaarayo illaa 523,846(shan boqol labaatan iyo saddax kun, sideed boqol iyo afartan iyo lix) macallin, waana dhaqdhaqaaqii ugu baaxadda weynaa ee taariikhda Masar oo macallimiin lagu dallacsiinayo, waxaana sanadkan dallacsiinta loo xilsaaray dhican kale oo aan ahayn akaadeemiyada mihnad layaasha macallimiinta,  iyadoo macallimiinta laga qaadayo imtixaan dallacsiinta kadib dhamaadka tababarrada.

Maandeeq FM

Related Articles

Close