WararkaWaxbarashada

Guddoomiyaha Jaamacadda “IUA” oo Booqashadii Madaxweyne Farmaajo Ku Tilmaamay Mid ‘Taariikhi ah’

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa booqasho taariikhi ah  ku gaaray Jaamacadda Ifriiqiya al-Caalamiyah maalintii Jimcaha October 6, 2017, iyadoo si heersare ah loogu soo dhaweeyay gudaha jaamacadda, madaxweynaha iyo wafdi wasiirro ah oo uu hoggaaminayay.

Wafdiga waxaa hoolka shirarka jaamacadda ku soo dhaweeyay guddoomiyaha jaamacadda Pro. Kamaal Maxamed Cumbeyd iyo Dr. Muusa Dhaaha oo ku xigeenka koowaad ee guddoomiyaha jaamacadda ah, Prof. Maxamed Cabdi oo ah kaaliyaha guddoomiyaha jaamacadda, Prof. Usaama Mergoni, horjoogayaasha ardayda ee kulliyadaha Sayniska, Beeraha, caafimaadka, iyo madaxa xiriirka dibadda iyo tiro badan oo ka tirsan ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadda wax ka barata.

Bilowga hore, maamulaha jaamacadda oo hadallo kooban jeediyay bilowgii kulanka ayaa si aad ah u soo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdiga la socday, waxaanuu xusay in aasaaskii hore jaamacadda loogu talogalay iney ka faa’ideystaan ardayda Muslimiinta ah ee dalalka Afrika ku nool, waxaanuu si qoto dheer uga waramay taariikhdii jaamacadda iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay,  booqashada ayuuna ku tilmaamay iney tahay mid taariikhi ah.

Dhanka kale, madaxweyne Farmaajo oo hadallo kooban ka jeediyay hoolkii lagu soo dhaweeyay ayaa u mahadceliyay jaamacadda sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay, waxaanuu tilmaamay in xiriirka Soomaaliya iyo Suudaan uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo,  iyo labada shacab iney ka mideysan yihiin caadooyinka iyo dhaqanka, waxaanuu si gaar ah jaamacadda ugu ammaanay kaalinta waxbarashada iyo arday tirada badan ee Soomaali ahna ee wax ka baratay.

Madaxweyne Frmaajo ayaa salaaddii Jimcaha ku tukaday masaajidka Al-Rowda ee gudaha jaamacadda ku yaalla.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mud Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isla shalay soo gaba-gabeeyey booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku joogay dalka Sudan.

Xigasho: Warbaahinta Jaamacadda “IUA”

Maandeeq FM

Related Articles

Close