WacyigelinWararkaWaxbarashada

Ka Fogow Habdhaqankan 4-ta ah Si aan Magacaaga Loogu Qorin Liiska “Dadka Loo Careysan Yahay”

Waxaa dhici karta inaaney ka mid ahayn waxyaabaha shaqo ahaan waajibka kugu ah, laakiin waxaa shaki la’aan ah in dhanka maamulkaaga shaqada in si wanaagsan laguu arkaa ay u wanaagsan tahay dhanka mustaqbalkaaga maadaama aad dallacaad ku heli karto arrimaha dheeraadka ah ee aad u sameyso goobtaada shaqada.

Caadiyan, qofka doonaya in si khaldan loo arko ma jiro, laakiin haddi aad dooneyso inaan lagugu qorin liiska “dadka loo careysan yahay” ee dhanka madaxdaada shaqo, Karen Gatley oo ah khabiir dhanka arrimaha shaqaalaha ah, ayaa waxay ku talinaysaa in shaqaaluhu ka fogaadaan 4 habdhaqan oo kaa dhigaya mid aan dhanka maamulkiisa shaqada aan laga jeclayn:

1  .Eedaynta Dadka Kale

Qofku marka mas’uuliyad loo dhiibo waa inuu natiijadeeda qaataa xumaan iyo samaan labadaba, haddiise qofku marka arrin loo diro oo sidii loo baahnaa uu uga soo bixi waayo, haddii uu mas’uuliyadda natiijada uu dadka kale dusha ka saaro, waxay taasi ka dhigan tahay in qofku uu yahay qof aan ma’uul ahayn.

2  .Cabsho Joogto ah

Qofka shaqaalaha ah waxa uu xaq u leeyahay inuu ka cawdo caqabad kasta oo dhanka noloshiisa shaqo soo waajaha, arrimahaasna uu usoo bandhigo maamule-yaashiisa, laakiin inuu qofku noqdo mid cabasho badan oo wax kastaaba ay damqyaan ma farxad gelinayso maamulahaasha shaqada arrintaas.

3  .Qof aan lagu tiirsanaan karin

Inaad noqoto qof aan lagu tashan karin waa arrin kale oo carogelinaysa maamule-yaashaada, oo markii lagu soo hadalqaado la yiraahdo shaqadaa looma dhiibi karo, waa arrin xanuujineysa maamulayaasha shaqada adigana dhibaato kuu ah, sidaa darteed noqo qof xirfado badan oo lagu tiirsanaan karo.

4  .Shaqo yar qabo oo sug abaalmarinta ugu weyn

Qofku inuu shaqo yaryahay isla markaana uu sugo in la ammaano oo abaalmarinnada waaweyn uu isagu xaabsado, waa arrin caro gelinaysa maamulayaasha shaqo, maadama cidda dadaalka badan aaney qarsooneyn qofka howsha yarna la ogyahay, sidaa darteed waa sifo aan wanaagsaneyn oo ay habboon tahay inaan iska ilaalinno.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close