WararkaWaxbarashada

Macallimiintii Jaamacadda Ummadda oo Dibadbax Cabasho ah Ka Hordhigay Xanunta Jaamacadda

Macallimiinta Jaamacadda umadda Soomaaliyeed ayaa dibadbax cabasho ah  ka hor dhigay xarunta Jaamacadda, kadib markii ay sheegeen in muddo 5 bilood ah aanay wax mushaar ah qaadan.

Waxey macallimiintaan sheegeen ineysan wax mushaar ah qaadan muddo ka badan 5 bil, islamarkaana aanay jirin cid cabashadooda wax ka qabatay oo ay dhowr jeer oo hore gudbiyeen.

Macallimiinta shaqo joojinta sameeysay qaarkood, oo diiday inaan magacyadooda adeegsanno, ayaa u sheegay Maandeeq FM, in marnaba aaney bixin doonin cashirrada jaamacadda inta cabashadooda xal looga helayo.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka ah ayaan weli jawaabin cabashada Macallimiinta Jaamacadda Umadda, iyadoo maamulka Jaamacaddaasina ay ka gaabsadeen iney faahfaahin ka bixiyaan sida ay waxa jiraan.

Si kastaba, wax ka bedelkii dambe ee miisaaniyadda jaamacadda Umadda waxaa laga dhimay 21%, sanadkii hore 2016 waxay ahayd $1,418,917, halka sanadkan 2017 laga dhigay $1,121,261, taas oo ka dhigan in miisaaniyadda jaamacadda 21% ay hoos u dhac uu ku yimid.

Maandeeq FM

Related Articles

Close