arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Marka Shaqadii Ragga Ku Adkayd ay Dumarku u Babac Dhigaan..Hooyo Soomaaliyeed oo “Dhagaxa Jabisa”

 

Marka shaqada ay sidan oo kale u dhib badan tahy oo ay tahay mid raggabu ay ku dhibaatoonayaana, waa mid dumarka ku habbooneyn, waxaa ka sokeeya in shaqada nacfigeeda la helo khataro badan oo suurtogal ay tahay in naftaba lagu waayo.

Hooyooyinka Soomaaliyeed ayaa dhibaato kasta u bareeray intii uu dalka burburka ka jiray, mid dhagax jabisa iyo mid kale oo buur dheer u korta sidii ay ubadkeeda ugu raadin lahayd quutul-dariiriga lagama maarmaanka u ah nolosheeda, iyadoo ilmaha aabahood ay dhici karto iney xabadi dishay ama xabaale Qaad ku jiro oo aan ka warhayn gurigiisa sida loo quuto iyo ina la dhargo iyo in la gaajeysan yahay toona.

Khdiijo Maxamed Fiidow waa hooyo ka shaqeysa Kaawada (shaqaalaha dhagaxa jabiya), waxay noo sheegtay iney shaqadaan bilowday iyada oo gabar yar ah, islamarkaan intii ay ka shaqeynaysay ay la kulantay in 12 ruux ay kaawo kusoo duntay ku dhinteen qaar kale oo aaney qiyaasi karinnay ay ku dhaawacmeen:

“Shaqadaan waxaan bilaabay anigoo gabar ah ilaa iyo hadana waan ka shaqeystaa, shaqadaan waxaa ku dhimatay labo iyo toban qof dad kalana way ku dhaawacmeen”.

Ugu dambeyn, ma aha mid sahlan in si fudud lagu jabiyo dhagaxa loo yaqaano Kaawada, waa shaqo dhib badan oo ragaba ku adag, laakiin waxay dhaantaa shaqo la’aanta dal ay u muuqdaan raggiisu kuwo ku mashquulsan arrimo aan daruuri ahayn oo marin habaabsan, si kastaba shaqeystaa sharaf leh.

Maandeeq FM

Related Articles

Close