WararkaWaxbarashada

Nin Japanese ah oo Gubay Xaaskiisa iyo Shan Ciyaal ah oo uu Dhalay

Dhacdo argagax leh, haweenay u dhalatay dalka Japan iyo caruur ay dhashay oo 5 gaarayay ayaa geeriyooday kadib markii gurigii ay ku jireen dab la qabadsiiyay, caruurtan ayaa da’doodu u dhaxaysay 3-11 sano jir.

Jariidada Daily Mail ayaa sheegaysa in ninkan  dilka geystay oo ahaa caruurta aabahood uu markii dambe isku dhiibay booliska, isagoona qirtay inuu isagu dabka qabadsiiyay guriga oo ku yaalla magaalada Hettati ee dalka Japan.

Ninkan ayaan la sheegin sababta ka dambeysay ee caruurtiisa iyo xaaskiisaba uu ku dilay.

Dilkan ayaa tooshka ku iftiminaya xaalad cusub oo ka jirta dalka Japan, iyadoo waddankaa loo aqoonsan yahay inuu yahay dal aamin ah, marka loo eego heerka dambiyada ee dunida kale ka dhacda, iyadoo xukuumadda dalkaasi ay u suurtogashay laga soo bilaabo 2002 iney hoos u dhigto heerka dambiyada 50%,  iskaashiga hay’adaha aammaanka dalkaas awgeed.

Maandeeq FM

Related Articles

Close