WararkaWaxbarashada

Yemen: Sanad-dugsiyeedka Waxbarasho oo La Kulamaya Dhibaatooyin Adag

Sanad-dugsiyeedkan 2017/2018 ayaa ku bilowday si galabgalab ah, kadib markii caqabado farabadani ay soo waajeheen hay’adihii waxbarasho ee caasimadda Sanca iyo dhammaan gobollada kala duwan ee dalkaas, macallimiin badan ayaa shaqada joojiyay, kadib markii mushaar la’aani ay haysatay muddo bilooyin ah.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa tilmaamaya sida ay waxbarashadu ugu adag tahay gudaha dalka Yemen, macallimiintii wax mushaar ah ma qaataan, waxaa taa sii raacda in si gaar ah loo ugaarsano macallimiintii oo 613 macallin ay u xiran yihiin Xuutiyiinta oo ay u qafaalan yihiin.

Dhibaatooyinkaa isbiirsaday oo  ugu weyn yahay dagaalka mudadiisu sii daba dheeraaneyso ee  sanadkiisii 3aad uu gabogabo kusii dhaw yahay, ayaa waxaa laga cabsi qabaa in Kumanaan arday ay waxbarasho la’aani ku soo dhacdo.

Cilmibaaristii ugu dambeysa ee soo baxday 27 August, 2017 ayaa sheegaysa in waxbarashada dalka Yemen ka jirtaa aaney la jaanqaadeyn waxyaabaha suuqa shaqada looga baahan yahay, waxaana arrintaa si wanaagsan u fahamsan  dadka da’doodu ka sarreyso 35 jirka oo 80% ay ku baraarugsan yihiin arrintaan, waa sida ay daraasaddu tilmaameyso.

Maandeeq FM

Related Articles

Close