TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

5 Shortcuts Cusub oo Kugu Hagaya Inaad Computer-kaaga si Wanaagsan u Adeegsato

Shortcuts-ka gaagaaban ee loo adeegsado Keyboard computer ka waxay ku jiraa waxyaabaha ugu muhiimsan ee qofka ku garab siiya inuu si wanaagsan uu u adeegsado computerkiisa, isla markaana uu wakhti badan beekhaamiyo, howlo aad u mari lahayd waddooyin dhaadheerna waxa uu kugu soo koobayaan hal tillaabo oo qura.

Hadaba, waxaan idiin soo gudbineynaa badhamo gaar ah oo aad u adeegsanayso soo koobidda shaqooyinka muhiim ah ee kuu suhala inaad si wanaagsan u gudato howlahaaga computerka.

1  .Alt + Tab

Labadaan badhan marka aad isla qabato waxaa kuu suurtogaleysa si fudud inaad iskugu bedesho barnaamijiyada kuu furan ee kala duwan dhanka computer ka.

2  .Ctrl + Shift + Esc

Waxa kuu fududaaneysa marka si wada jira ah ayaa u qabato inuu kuu furmo “Task Manager” computer ka, halkaas oo arrimo badan oo computerka ku saabsan aad si wanagsan uga xakameyn karto, waxaad ka dheehan kartaa barnaamijyada culeyska ku haya computerka iyo kuwa kale ee aad ka maarmi karo ee  aad iska masixi karto.

3  .Shift + Delete

Dad badan horey waxay u yaqaaneen, waa doorasho marka aad sameyso kuu suurtogalinaysa inaad computer ka si toos ah uga tuurto wixii aad dooneyso inaad iska tirtirto, adigoo salladda qashinka aan sii marin ee “Recycle Bin”.

4  .Astaanta Window + L

Astaanka Window-ga oo lagu daray L marka aad isla qabato waxaa si toos ah isku xiraya computer kaaga oo noqonaya xaaladda “Switch Use”, waana marka aad dooneyso inaad computer kaaga aad xirato si aanay cid kale kaaga adeegsan wakhti kooban.

5  .Ctrl + F4

Waa doorasho aad heli karto marka aad dooneys inaad iska xirto barnaamijyada qaar, adigoo aan adeegsan Mouse-ka.

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close