JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Dalxiiska Buugaagta: Buugga Xeeladaha Dagaalka ee “Sun Tzu” oo Si Casir ah Looga Faa’ideysto Ganacsiga

 

The Art Of War waa buug loo aqoonsan yahay mid aad u saameyn badan dhinacyada dagaalka iyo istiraatiijiyaddiisa, iyadoo dhanka gacansigana si xoog leh maanta loogu adeegsado, dad badan waxay u adeegsadaan dhanka suuqgeynta iyo taktikooyinka ganacsiga, waa buug uu si wanaagsan u adeegsan karo qof kasta oo tartan dhanka suuqa ah kugu  jira.

Buuggan waxaa qoray Sun Tzu oo ahaa khabiir dhanka Istiraatiijiyadda ah oo ciidanka Shiinaha 1500 sano ka hor ka tirsanaa, waxaa luuqadda Faransiiska loo tarjumay sanadkii 1772 oo ahayd markiisii ugu horreysay ee la tarjumo, markaa wixii ka dambeeyay ayay dunidu bilowday iney la jaanqaaddo buugga oo si weyn looga faa’ideystay.

Waxa uu ka kooban yahay 13 fasal oo u qeybsan sidii tallaabooyin dhanka diyaarow  dagaalka ah oo kale, Fasalka koowaa tusaale ahaan waxa uu uga hadlayaa diyaar-garwoga koowaad ee dagaalka, hogaamiyaha dagaalka sida uu ugu diyaargaroobayo, waxaa ku jira fasal kale oo ka hadlay sida loo sameeyo difaac wanaagsan, fasalkale oo ka hadlay sida aad u sameyn karo dhoolatus milatari, sida aad u sameysan karto dad aad ka heli karto war lagu kalsoonaan karo.

Firkaradah uu kitaabku xambaarsan yahay ee aan ka faa’di karto waxaa ka mid ah:

1  .Nooca ciidan ee aad u baahan tahay xulo

Haddii hoggaamiyaha uu daciif yahay, laakiin ciidanku ay xulyihiin waxaa meesha ka dhalanaysa xoogaa is faham darro ah,  natiijadii heerka sare ahayd ee la fili kari lahaana lama gaarayo, dhanka kale haddii aad tahay hoggaamiye heersare ah laakiin ciidanku ay jilicsan yihiin waxaa hubaal ah inaad mar kasta khasaareyso, sidaa darteed markaad hoggaamiye fiican tahay waxaa ku horyaalla labo xal qura, inaad marka hore xulato ciidan tayo sare lah iyo inaad ciidankaaga soo dhisto illaa ay kasoo gaareen heerkii looga baahnaa, inta aadan dagaalka gelin.

2  .Naftaada si wanaagsan u baro, cadowgaagana baro si heersare ah, waxaa hubaal ah inaad 100 dagaal ku guuleysanayso!

Aqoontu waa awood, inuu qofku naftiisa yaqaanno iyo meelaha uu ka liito waxay u suurtogalineysa inuu galdaloolkiisa uu iska awdo, marka uu cadowgiisa yaqaanana waxa uu ka weeraraa halka ay ka jilicsan yihiin.

Marka dhanka ganasiga aan ka eegno waa si la mid ah, baro dadka kula tartamaya iyo naftaadaba, si fiican u daraasee suuqa aad ku tartameyso waxaa hubaal ah inaad tartankaa si wanaagsan ugu guuleysanayso.

3  .Ka fogow meel kasta oo cadawogaagu ku adag yahay, ka weerar goobaha uu ka jilicsan yahay

Marka aad aragto in cadowgaagu kaa awood badan yahay, u yaro kaadi inta uu hawada isla marayo isla markaana ay banaanka u soo baxayaan galdalooladiisa, kadibna si wanaagsan uga bogo, arrinta muhiimka ah ayaa ah inaad hal-abuur noqoto oo aanad isku dayin talloobin lagaaga horreyay amaba cid kale ay horey u qaadday, meesha aad wax ka weerarayso cidina yaaney filan, maxaa yeelay, cadowgaagu tallaabo kasta oo aad qaadayso si hor dhac ah ayuu uga sii tabaabushaysanayaa.

4  .Sabab la’aan wax Tallaabo ah ha qaadin

Tallaabo kasta oo aad qaadeyso ha noqoto mid xisaabsan oo si wanaagsan oo la darsay u socota, natiija kastaa oo soo baxaysaana waa in lasii odorosaa si fiican, haddiise tallaabooyin aan ulajeeddo lahayn aad qaaddo ogow inaad ku khasaareyso.

5  .Qofna ha ku weerarin inuu ku daan-daansaday darteed

Inta badan waxaa dhacda in cadowgaagu marka uu rabo inuu dabin kuu dhigo uu ku soo daandaansado oo nabarro aad ka xanaaqeyso uu kaa damqiyo, iska ilaali inaad dabinkaa ku dahcdo.

6  .Guusha dhabta ah maaha inaad 100 dagaal ku guuleysato ee waa tan dagaal la’aan timaadda

Waa sida dagaalkii qaboobaa ee Mareykanka iyo midowgii-sowfiyati oo kale, waxa uu ahaa dagaal aan dhiig ku daadan laakiin lagu kala adkaaday oo awooddii Sowfiyatka lagu jabiyay.Dagaal kasta oo la galo faa’ido iyo khasaaro ayuu leeyahay waxaa hubaal ah tiro yarba ha noqotee iney cidi un kaa geeriyoonayso dagaalka fool ka foolka ah, laakiin markaad dagaal la’aan guuleysato waa guusha ugu weyn ee aad gaari karo.

Si kastaba, waxaan nasiib u leenahay in buuggan ka hadlaya istiraatiijiyadda xeeladaha dagaalka”The Art Of War” oo uu tarjumay danjire Aadan Xasan Aadan (Beleloo) oo ah danjiraha Jabouti u fadhiya Soomaaliya uu dhawaan soo baxay, September 12, 2017, isagoo afsoomaali ku tarjuman aan ka heli karno goobaha buugaagta lagu iibiyo.

Ugu dambeyn, buuggani waa buug si weyn dunidu uga faa’idday dagaal iyo ganacsi labadaba cid kasta oo dooneysa iney dhinacyadaa horumar fiican ay ka gaartana ay akhsirsan karto oo ay ka faa’ideysan karto.

Maandeeq FM

Related Articles

Close