WararkaWaxbarashada

Deeq-waxbarasho oo Jaamacadda Cambridge ah oo Ay Ka Faa’ideysan Karaan Ardayda Tacliinta Sare

Jaamacadda Cambridge waxay ka mid tahay jaamacadaha  dunida ugu wanaagsan, sanad kastana lagama waayo 10 jaamacadood ee dunida ugu horreeya, sanadkan waxay ka gashay kaalinta 2aad heerka kala sarreynta jaamacadaha Adduunka ee 2017, waxayna ka dhisan tahay dalka Ingiriiska.

Ardayda dunida waxay jaamacaddu u fidisaa fursado waxbarasho oo lacag la’aan ah, iyadoo tabarucaad ay bixiyaan dad mutadawiciin ah oo jaamacadda dhinaca maaliyadda ka taageera ay fursaddaas abuuraan, fursadaha ugu muhiimsan ee waxbarasho ee jaamacaddu ay bixiso waxaa ka mid ah 400 oo furadood oo deeq-waxbarasho tacliinta sare ah lana siiyo ardyada dunida daafaheeda kala duwan ku  nool, deeqdan waxaa ka mas’uul ah “Cambridge Trust” oo la aasaasay sanadkii 2013.

Nooca minxadu waa mid si dhameystiran loo maalgelinayo oo ardayga aan shilinna laga rabin.

Xilliga ugu dambeysa ee codsiga waa December 6, 2017.

Takhasusyada minxada lagu bixinayo

Dhammaan takhsusaadka kala duwan ee jaamacadda mid ka aad doonto ayaad codsan kartaa, waxaa ku jira culuumta caafimaadka, taasi oo sida caadiga ah aan deeqaha-waxbarasho ee kale aan lagu soo darin.

Shuruudaha lagaa rabo

1  .Inaadan ahayn arday horey uga tirsanaa jaamacadda.

2  .Inaad haysato shahaado Bachelor’s degree, si aad Masters degree u codsato, haddii aad P.H.D dooneysana waa inaad Masters haysato.

3  .Waa inaad leedahay shahaadaha muujineysa inaad luqadda Engilishka ku wanaagsan tahay ee IELLTS ama TOEFL

Habka aad u codsaneyso

.Waa inaad iska diiwaangeliso website-ka rasmiga ah ee jaamacadda Cambridge. Waa inaad isku diiwaangeliso e-mailkaaga gaarka ah, waxaa fiican in e-mailkaagu noqdo mid ku noqnoqda weybsite-ka jaamacadda, waxaanad ka hubsneysaa farrin dhanka e-mailkaaga lagaaga soo dirayo.

.Takhasuska aad dooraneyso si aad ah iskaga hubi, agtiisana ka eeg “Apply now” oo takhasuska aad ka codsan karto.

.Raadso qof lagu kalsoon yahay oo macruuf ah oo tazkiyo kaa bixiya oo takhsuska aad dooratay lagu yaqaanno.

.Si wanaagsan u ilaali inaad buuxiso dhammaan shuruudaha oo intaa oo kaliya aan ku ekayn ee baarintaanno dheeraad ah ay tahay inaad ku sameyso.

Ugu dambeyn,  waxaana ka Apply gareyn kartaa oo aad ka codsan kartaa Linkigan halkan hoose:

 https://www.cambridgetrust.org/scholarships/

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close