UncategorizedWararkaWaxbarashada

Iska Ilaali 5-tan Shaqo Muddo 20sano Gudahood Cid aad Ugu Shaqeyso Heli Mayside

Kacdoonka dhanka teknoolajiyadda ee aan hadda xilligiisa ku jirno marnaba ma istaagayo, robot ka ayaa mustqabalka dhaw shaqooyin badan oo aadanaha ay qabanjireen kala wareegay, waxaa socda isbedel la mid ah kii kacdoonka warshadaha.

Xalka ugu habboon waa waxbarasho, marka aad dooraneyso takhasuskaaga jaamacadda, waxaa habboon inaad ogaato in dunidu is bedbedlayso isla markaana loo baahan yahay inaad la jaanqaaddo waxyaabaha looga baahan yahay.

Sidaa darteed website-ka “”WomensArticle” 5 shahaado jaamacadeed oo noqon doono kuwo aan loo baahneyn muddooyinka soo aaddan iyo horumarka dhanka teknoolajiyadda ee la gaarayo:

1  .Accounting

Marka computer-ku si gaar ah u qabaneyo howshihii xisaabiyaha Accounting ka wax aadanaha looga baahan yahayba ma jirto, sidaa darteed shirkada waaweyn ee dunida intooda badan computerka ayaaba accounting u qabta xilligan aan joogno.

2  .Martigelinta iyo dalxiiska

Waa shaqo xirfadeeda lagu barto jaamacadaha adduunka, laakiin horumarka teknoloojiyadda darteed waa shaqo sii gabaabsi ah, maadaama dadka dalxiiska ah ay mobile kooda Smartphone ka ah wata ay meel kasta booqan karaan, sidaa darteed waa shaqo laga maarmi doondo mustaqbalka dhaw si dhameystiran.

4  .Kaaliye sharci

Waa shakhisga ka shaqeeya xafiisyada iyo shirkadada sharci, waa qof leh aqoon, tababar shaqo iyo khibradba, waxaa loo diyaariyay inuu taageero sharci u fidiyo oo uu qabto shaqooyinka aan garyaqaanimada gaarka ah u baahneyn. Hadda xilligan aan joogno computer ka ayaa howlahaa lagu qabsadaa oo internet ka ayaa waxwalba laga helaa.

4  .Isgaarsiinta warbaahinta

Warbaahinta idaacaddu waa mid ka mid ah dhinacyada ugu badan ee isbedelka joogtada ah uu ku socdo, telefishion iyo raadihu hadda maaha isha kaliya ee wararka laga helo, sidaa darteed jaamcadaha muuqbaahinta lagu barto waxay ardaydu baraan qalab waa hore laga tagay, maanta waxay dunidu usii wareegtay warbaahinta casriga ah ee baraha bulshadu ay hor boodayaan sida, Facebook, Twitter, snap chat, iyo baraha ee kale ee bulsho.

5  .Farmashiye

In dawadaada uu kuu qoro Robot waa fikrad iska fudud oo aan dhibaato badan ku jirin, farmashiyeyaasha dunida ee waaweyn aad ayay u hor-u-marsan yihiin, qaarkood waxaa daawada kuusoo dejinaya oo goobta ku habboon keenaya robot, arrintaa loo sameeyay oo marnaba aan laga yaabin inuu khaldamo, sidaa darteed 20 sano ee soo aaddan gudahood sida aan computerada u haysanno oo kale ayaa robot kana cid kastaa u haysan doontaa.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close