WararkaWaxbarashada

Japan.. Saxafiyad u Geeriyootay Shaqo 159 Saacadood oo Xiriir ah!!

Saxafiyad magaceeda la yiraahdo  Miwa Sado oo 31 jir ahayd, kana shaqeynaysay idaacadda iyo telefishinka warbaahinta “NHK” ee gudaha dalka Japan ayaa ugu dambeyn la xaqiijiyay iney u geeriyootay shaqo xiriir ah oo 159 saacadood oo dheeraad ah ay sameysay.

Sida lagu qoray jariidada “The Japan Times”,  Booliska Tokyo ayaa xaqiijiyay in weriyuhu ay u geeriyootay kadib cadaadis badan oo dhanka wadnaheeda koray oo shaqo xiriir ah oo is dabajoog ah ay saartay.

Saxifayadda oo ka faa’ideysanaysa saacadaha dheeri ah oo lagacago lagu helo ayaa bil dhan shaqeynaysay iyadoo fasax ay qaadatay 2 cisho oo qura, taas oo ka dhigan iney si joogto ah u shaqeynaysay 159 saacadood oo dheeraad ka ah saacadahii shaqo ee caadiga ahaa mudadaa bisha ah.

Sado ayaa geeriyootay sanadkii 2013, waxayna ka howlgalaysay wararka siyaasadda, iyadoo dowladda Japan ay ku jirto dowlado kooban oo aaminsan in shaqada darteed loo geeriyoodo, baaritaanka oo muddo 5 sano ku dhawaad ah socday ayaa u muuqda in ugu dambeyn geerida lagu sheegay mid shaqo la xiriirta, taas oo keenaysa in qoyska ay ka dhalatay ay dowladda Japan ka helaan magdhowga la siiyo dadka shaqada u geeiyooda.

Maandeeq FM

Related Articles

Close