arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Ra’isul-wasaarihii hore ee Ingiriiska oo Shaqo Cusub Helay.. Sanad Kadib Markii uu Iscasilay

Ra’isul-wasaarihii hore ee Ingiriiska David Cameron ayaa waxa uu helay shaqo kadib muddo sanad ka badan oo laga joogo markii uu iska casilay xilkiisii hore ee ra’isul-wasaare-nimo.

Jimcihii ayuu ku biiray shirkadda “First Data Corporation” oo ah shirkad caalami ah ee dhanka teknoloojiyadda ku caanbaxday, shaqada loo xushay ayaa ah ballaarinta shirkadda ha noqoto in loo raadiyo suuqyo cusub ama suuqyada ay hadda ku jirto oo si ka ballaaran sidii hore loo galo.

Shaqada ayaa ah inuu ka mid noqonayo dhanka golaha la talinta shirkadda ee gaarka ah oo xafiiskoodu ka furan yahay New York, Frank Besgnano oo ah maamulaha shirkadda ayaa yiri “David Cameron waxaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay hoggaamiyeyaasha ugu caansan dunida ee dhinacaas, sharaf ayayna noo tahay inuu inagu soo biiro isagoo ka qeyb ah golaha la talinta.”

Cameron dhankiisa waxa uu leeyahay “Waan ku faraxsanahay oo aan ku faanayaa intaan ra’isul-wasaaraha ahaa in waddanku(Ingiriiska) uu noqday awood dhanka teknoolajiga ah oo muuqata.”

Ra’isul-wasaaraha Cameron ayaa xilka ra’isul-wasaare iska casilay June 2016, kadib markii dalkiisu ka baxay Midowga Yurub, waxa uu sheegay xilligaas in loo baahan yahay hogaamiyeyaal cusub.

Maandeeq FM

Related Articles

Close