arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

3 Dhibaato oo Isku Biirsaday & Wax-soo-saarkoodii oo Hoos u Dhacay 82% Beeraaleyda Cusbada ee Duleedka Muqdisho

Xeebta Jasiira ee duleedka Muqdisho, waxaa ku yaalla beero lagu abuuro cusbada raashinka oo la aasaasay xilligii gumeystihii Taliyaaniga ee Konfurta Soomaaliya maamulayay.

Beerahan oo ay hadda maamulaan dhalinyro iskood isku xilqaamay nolol maamlmeedkoodana ka dhacsadaa ayaa laga dareemayaa hoos u dhac ballaaran oo 82% wax-soosaarkooda ah.

Hadaba, weriyaha Goobjoog Media Group(Maandeeq FM ay ka mid ka tahay) ee Maxamed Cabdi Xasan oo booqday beeraha cusbada ee duleedka Muqdisho ayaa wareysi la yeeshay beeraaleyda halkaa cusbada ku beerta.

Cabdi Xassan Gafow oo ah Horjoogaha beeraaleyda Cusubada, ayaa waxa uu ka warramay dhibaatooyinka haysta waxsoosaarka cusbda oo ay ka mid tahay bacaadka oo boorahdoodii ku soo fiday, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Hadda halkan waxaa inaga soo jira 12 beerood oo shirkaddu leedahay, waxaa ka dhashay bacad masiibo ah, waa kaa meesha dhooban, subixii markaad bixiso, habeenkii intaad bixisay labadeed ayaa meesha taalla oo bacaad ah.”

Waxa uu tilmaamay in Tsunami-dii kal hore badda ku dhufatay ay iyaduna dhibaatadii kusii adkeysay:

“Waxaa kale oo dhibaato noo keenay sunaamigii dhawaan dakadda maraakiibta isku dhufan jirtay, Kismaayo iyo hobyana ay biyuhu ku fakan jireen oo khasaaraha geysan jiray ayaa anagana khasaaro noo geystay, buundooyin badan oo kasoo bilaabanaya halka ay biyuhu ka yimaadiin ayuu nagu soo jabiyay, dhul difaac ahaa oo buuro ahaa oo illaa 150 mitir ahaana waa jabiyay, buurtii jabtay iyo bacaadkii wixii oo dhan anaga ayuu noo keenay.”

Waxaa kale oo uu tilmaamay dhibaato saddexaad oo iska dabiici ah oo midabka cusbada ka bedesha:

“Maalin hore ayaa roob nagu da’ay, kalarka marka roobku da’o sidaan ayay u gaduudanee, dadkuna ma jecla, waxay jecelyihiin marka ay caddaanka tahay.”

Ugu dambeyn, Sanadkii waxay ka heli jireen beeraha 9 kun oo Kiintaal sida caadiga ahayd, laakiin hadda waxay helaan 2 kun oo Kiintaal oo kaliya, taas oo ka dhigan in ku dhawaad 82% wax-soosaarkoodu uu hoos u dhacay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close