DugsiyadaWararkaWaxbarashada

4 Faa’iido oo Laga Dhaxlo Maareynta Wanaagsan ee Wakhtiga

Wakhtigu waxa uu noqday casrigan aan joogno mid aad u degdeg badan oo ay adag tahay in la nidaamiyo ama si wanaagsan loo xakameeyo, sidaa darteed ardayga, macallinka, qofka shaqaalaha ah dhammaan waxay u baahan yihiin iney noqdaan kuwo sidii hore si adag u ilaaliya wakhtiga uguna xisaabtama maadaama shayga kaliya ee qaaliga ah ee aan haysannaa uu yahay wakhtigeenna.

Hadaba waxaan idin soo gudbineynaa 4 faa’ido oo wakhtiga laga helo oo uu soo koobayo caalimkii reer Masar ee Dr Ibrahim al-Fiqi oo inoo sheegaya faa’idooyinka laga dhaxlo maamulka wanaagsan ee wakhtiga:

1  .Waxaad si wanaagsan u maamuli kartaa maalintaada shaqo

Waxaad fahmeysaa sidaa ula macmiileyso caqabad kasta oo kaa hor timaadda, waxaad noqoneysaa qof wakhtigiisa xakameeyay oo sidii ugu hobooneyd uga faa’ideysta, si aad hadafkaaga nolosha u gaartana way kuu sahlanaaneysaa.

2  .Shaqo kasta waxaad u gudneysaa sida ugu habboon

Shaqo kasta waxaad u gudaneysaa adigoo heerkaaga ugu wanaagsan ee xamaasad ah ay kugu jirto, wax kasta oo aad u baahato si degdeg ah ayaad ku helaysaa, qof wakhtigiisa si dhameystiran u hantana waad noqoneysaa. Xaalad kasta oo ku soo waajahdana waad maareyn kartaa.

3  .Tarmartaada waxsoosaar oo kobcaysa

Markaad arrimo badan xaqiijiso oo aad dhadhamiso qiimaha wakhtiga, waxaa kusii galaya awood badan oo aad horey kuugu jirin, waxaanad helaysaa wakhti badan oo aad caafimaadkaaga ku kobciso heerkaagana waxbarashana aad sare ugu qaaddo.

4  .Wakhti farabadan ayaad u helaysaa saaxiibadaa iyo qoyskaaga

Marka aad si wanaagsan wakhtigaaga u xakameyso waxbadan ayaa kaa soo haraya, waxaad helaysaa fursado aad ehelkaaga, qaraabadaada, asxaabtaada aad ku xiriiriso, waxaad helaysaa wakhti aad luqad cusub ku barto, waxaad helaysaa wakhti aad wax ku akhriso, waxaad helaysaa wakhti aad hor-u-marka naftaada ku gaarto.

Si kastaba, xakameynta suuban ee wakhtiga waxaa laga dhaxlaa faa’iidooyin aan lasoo koobi karin, qofka kaliya ee wakhtigiisa nidaamin karaana waa adiga cid kale oo arrintaa kartaa ma jirto.

Maandeeq FM 

 

Related Articles

Close