WacyigelinWararkaWaxbarashada

7 Tallaabo oo aad Kaga Hortagi karto Lacag Yarida Bisha Dabayaaqadeeda

 

Mushaarkaaga bisha isla markiiba ma bixisaa? marka aad wax bixi bilowdo ma ka joogsan weydaa illaa aad ka dhameyso? Ma u aragta habka aad u maamusho mushaarkaaga billaha ah inuu yahay mid aan habooneyn oo deyn badanna kuu horseedaya?

Hadaba, 7 tallaabo oo fudud ayaa kuu suurtogelinaysa inaad ilaashato mushaarkaaga billaha ah, waa haddii aad arrintaa doonto oo niyadeedii aad leedahay.

7-da Tallaabo oo aad kaga hortageyso in bisha aakhirkeeda ay lacag la’aan kugu dhacdo

1  .Iska fiiri halka aad wax ku bixineyso

Si gaar ah u eeg halka aad wax ku bixineyso, gaar ahaa dakhliga joogtada ah ee billaha ah, waxaad si guud u qiyaastaa heerka kharashka  ugu sarreeya ee bishii lagaa rabo daruurigana ah, sida kirada guriga, nalka, korontada, waxaad ku dartaa dhigaal gaar ah oo xaaladaha degdegga ah, wixii intaa kasoo  haraa waxa uu ku biirayaa liiska dhigaalkaaga.

2  .Sameyso qorshe keydin lacageed ah

Sameyso hadaf aad xaqiijintiisa u socdaasho, tusaale ahaan, qorsheynta dayactirka guriga, safar dhanka dalxiiska ah, inaad gaari iibsato, marka aad hadaf leedahay waxa uu kordhinayaa inaad waxmeel dhigto bedelka intii aad deyn qaadan lahayd.

3  .Ka fogow Muuqaallada beenta ah

Maal kaaga haku bixin dhaldhalaal been ah oo faan aan meel jirin, dag oo ku noolow guri ku habboon heerkaaga iyo mushaar aad qaadato, sida hadba uu jeebkaagu yahayna wax hakaaga baxaan.

4  .Tallaabooyin ka hor tag ah sameyso

Haddii aad tahay qof lacagta aan hayn karin, markaa oo kale lacagtaada bankiga lagama soo wada saarto oo qaar ayaa logu reebtaa, isbuuc kastana inta kugu filan oo qura ayaa lagala soo baxaa, si aad isku xakameyso.

5  .Ka fogow inaad dayn qaadato

Marnaba albaabka daynta ha isku furin, waxaa hubaal ah haddii aad albaabkaa furto in waxyaabo badan ay isku kaa korayaan oo dayn badani ay kugu biireyso, hadhowna culeyska kaaga soo kordha waxa uu noqonayaa mid aadan qaadi karin.

6  .Iska bixi daymaha lagu leeyahay

Dayntu yaaney isku kaa biirin, isku day inaad si wanaagsan u bixiso, maxaayeelay waxa ugu adag ee aadanuhu waajahaa waa deynta isku biirtay oo inuu bixiyo laga rabo, culeys dhanka nafta ah iyo dhibaato dhanka sharaftiisa ah inta wey leedahay.

7  .Wax sadaqeyso

Isku day inaad bil kasta sadaqo la baxdo oo dadka masaakiinta ah iyo cidda u baahan aad siiso, waxaad sidaa u yeelaysaana waa inuu Alle SW kuu barakeeyo maalkaaga iyo noloshaada.

Ugu dambeyn, haddii mushaarkaagu hooseeyo oo aanuu dabooli karin baahiyahaaga aasaasiga ah, ha isku mashquulin tallaabooyinkaa aan soo sheegnay ee ku dadaal sidii shaqada aad hayso mid ka wanaagsan u doonan lahayd ama aad wakhti kooban mid kale oo aad ka shaqeyso u heli lahayd ama sameyso mashruuc kale oo barbar socda shaqadaada oo aad wax ka kororsan karto.

Maandeeq FM

Related Articles

Close