CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Cunista 2Moos ah Maalintii oo Ka Hortag Wanaagsan u Noqota Cudurada Ugu Dilaasan Dunida

Cilmibaarayaal ka tirsan jaamacadda Alabama ee dalka Mareykanka ayaa ogaaday in Moosku kaalin wanaagsan ka ciyaaro ka hortagga cudurrada wadanaha iyo dhiig furanka dhanka maskaxda ah.

Jariidada The Independent ayaa qortay in cilmibaaryaashu ay sameeyeen dhowr tijaabo oo jiir la marsiiyay, iyadoo la eegayay waxtarka Potassium ay jirkiisa u yeelaneyso, waxaa la ogaaday in markasta oo Potassium uu jirka ku yaraado in xididada dhiiguna ay sii yaraanayaan, marka Potassium jirkiisa ku badan yahay, waxaa iyadana la arkay in xidada dhiig xinjirowgoodu uu ka yaraanayo.

Mooska ayaa loo aqoonsan yahay inuu ka mid ah khudaarta Potassium ku ku badan tahay, laakiin in la badsadaa waxay keenaytaa cudurro dhanka caloosha ah oo calool furanku ka mid yahay.

Qiyaasta lagu taliyay ee potassium jirku u baahan yahay waa 3,500-milligaraam oo u dhiganta tan laga helo 2 xabbo oo Moos ah.

Ugu dambeyn, Daraasad 2016 soo baxday oo ay ka qeybgaleeen 2500 cilmibaare  cilmibaaris kala duwan ka sameeyay 130 dowladood ay ogaadeen in %72 dhimasha adduunka ay ku timaado  la xiriira wadnaha iyo xidada dhiigga oo lagu daray sokorta.

Maandeeq FM

Related Articles

Close