WararkaWaxbarashada

Daahrog Cusub: Tubbooyin Si Gaar ah Maskaxda Uga Saara Sunta oo La helay

Cilmibaarayaal British ah ayaa xaqiijinaya in maskaxda aadanahu ay leedahay tubooyin gaar ah oo maaddooyinka suntan ah ka saara.

Cilmibaarayaasha oo ka tirsan mac’hadka caafimaadka neerfaha ee Ninds ayaa waxay ogaadeen in maskaxda aadanuhu leedahay tubbooyin gaar ah oo ka shaqeeya iney maaddooyinka suntan ah ee dhibaatada ku ah maskaxda ay ka saaraan.

Daahroggan cusub ayaa la rajeynayaa inuu kaalin wanaagsan ka qaato in wakhti hore la ogaado cudurka neerfaha ee la yiraahdo Alzheimer oo ka dhasha sun ku uruurta gudaha maskaxda isla markaan jirku awoodi waayo inuu iska saaro.

Daniel Reich oo ka tirsan mac’hadka cilmibaaristan sameeyay ayaa tilmaamay: “Waxaan si cad u aragnay sida qashin saarka u dhacayo maskaxda aadanaha, waxaan filaynaa in natiijada aan gaarney ay muuqaal fiican ka bixiso dhibaatooyinka dhanka neerfaha ah”. Waxa uu intaa sii raaciyay: “Muddo sanooyin ahba waxaan ogeyn sida dareeruhu uu maskaxda aadanaha u gaaro, ugu dambeyn, haddadan aan joogno waxaan helnay sida dareerahaasi ay uga soo noqdo maskaxda aadnaha.”

Daraasaddan ayaa daaha ka rogeysa in xidadu ay yihiin sidii tubbooyin isku xira maskaxda iyo habdhiska difaaca jirka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close