WararkaWaxbarashada

Salman Rushdie oo Mar kale Muddo 30 sano ah kadib Aflaageedeeyay Qur’aanka Kariimka ah

Jariidada Daily Mail ayaa qortay maanta oo Isniin ah in Salman Rushdie oo ah qoraa u dhashay dalka Ingiriiska asal ahaanna kasoo jeeday dalka India uu mar kale uu weeraray Qur’aanka Kariimka ah oo uu ku tilmaamay mid aan xiiso badan lahayn.

Hadalkan ayuu ka jeediyay xaflad Mahrajaanka Cheltenham ee lagu bixiyo abaalmarinno suugaaneed, Cheltenham waa magaalo ku taalla koonfur galbeed dalka Ingiriiska,  Salman waxa uu xafladda ka dhex sheegay inaanu Jeclayn akhtirnta Qur’aanka maadaama uu yahay mid aan soo jiidasho badan lahayn.

Mid ka mid ah kasoo qeybgalayaashii xafladda ayaa weydiiyay “Ma dhci kartaa in Qur’aanka dib loo qoro si Diinta Islaamka looga dhigo mid bani’aadamnimada ku wanaagsan?” ayaa ku jawaabay, “Haddii xitaa dib loo qoro wax nacfi ah ma laha”, waxaanuu hadalkiisa sii raaciyay  “anigu Qur’aanka dib uma qorayo, maxaayeelay waxaan ku khasbanaan doonaan inaan akhriyo, taana ma doonayo.”

Waxa uu sheegay in Qur’aanku Kariimka ah uu kaga duwan yahay Towraad iyo Injiil in sheekooyinka ku jiraa ay kooban yihiin oo aaney ka badneyn rubuc.

Inuu Qur’aanka weeraro oo kaliya kuma uuna ekaan ee waxa uu sheegay in dunidu ay ka fiicnaan lahayd diin la’aan sida ay hadda tahay, sababta la isku dilayaana ay darteed tahay.

Qoraagan dhanka ruwaayadaha ee Salman Rushdie ayaa sanadihii lasoo dhaafay ay saacad kasta boolisku ilaalo gaar ah ka hayeen, kadib markii uu faafiyay buugiisii uu ugu magac daray aayadaha Sheydaanka ee uu soo saaray 1988 ee uu ku duray Qur’aanka Kariimka ah,  qeyb ka mid ah uu ku dhaliilay noloshii Nabi Maxamed NNKH.

Buugaas ayaa dunida Muslimka ah ka dhaliyay kacdoon caro ah, maadama uu aflaagddo u geystay caqiidada islaamka ee xaniifka ah iyo Nabi Maxamed NNKH uu wax ka sheegay.

Hoggaamiyihii hore ee Iran Aayata Allaah Ruuxa Allaah AlKhumeyni ayaa 1989 waxa uu u ballanqaaday qof kasta oo dila Salman Rushdie uu siindoono hal-milyan oo dollar oo kaasha ah.

Ugu dambeyn, Soddon sanno ka dib oo uu is-qarinayay  booliska Ingiriisku ay ilaalinayeen  ayuu hadana mar kale soo rogaal celiyay, isagoo aan ku cibro qaadan falkiisii hore ee u diidday inuu si caadi ah u noolaado, dadkiisana uu la noolaado.

Maandeeq FM

Related Articles

Close