CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Akhriso: Astaamo Markii aad Isku Aragto Kuu Muujinaya Iney Jirto xaalad Caafimaad oo Degdeg ah

In badan waan iska fududeysannaa caafimaadkeenna, inagoo aaminsan in wax dhibaato ah nagu soo foollahayn, laakiin marka cudur si lama filaan ah uu kuugu soo boodo ayaan bilaabeynnaa inaan si wanaagsan ula soconno wax kasta oo caafimaadkeenna ku saabsan, waana xilli aan dib dhacnay.

In badan waxaan aragnaa astaamo fudud oo aan iskaga qaadanno iney yihiin wax fudud, laakiin loo baahan yahay inaan si wanaagsan iskaga eegno oo aan ku baraarugno,

Dhakhtaradda caanka ah ee  Dr Evelyn Lewin oo la hadashay website ka Whimn ee kasoo baxda dalka Australia, ayaa soo bandhigtay dhowr cudur oo marka hore astaamahoodu u muuqdaan kuwo sahlan laakiin marka dambe ciribtooda aan la mahdin, Astaamaha ay sheegtay waxaa ka mid ah:

 Calool qabatinka lama filaanka ah

Dhakhtaraddu waxay leedahay xanuun kasta oo dhanka caloosha kaa soo waajaha xilli hore iska baar, xitaaa haddii marka dambe ay soo baxdo inaanuu mid iska caadi ah.

Hamaansiga Sabab la’aanta ah

Haddii aad astaantan isku aragto ogow iney ku tusineyso xaalad degdeg ah iney jirto, Dr Lewin waxay leedahay waxaa dhici karta inuu jirto cillid dhanka sambabaha ah ama waxa caafimaad ahaan loo yaqaanno (Pulmonary embolism),  Waxaa kale oo jiri kara, ayay leedahay, sababo kale oo ka duwan arrintaa, marmarka qaar waxaa dhacda inaanuu dhibaato sidaa u sii buuran lahayn, sidaa darteed waxaa habboon markii aad isku aragto astaamahaa inaad dhakhtar aaddo.

Madax xanuun xooggan

In badan oo inaga mid ah waxay la noolyihiin madax xanuun joogto ah oo saameyn ku leh noloshooda caadiga ah, laakiin marka aad isku aragto madax xanuun xooggan oo si lama filaan ah aad u dareento, waa xaalad degdeg ah oo aad u baahan tahay inaad dhakhtar aaddo.

Oon aan kaa ba’ayn

Haddii aad isku aragto inaad harraadan tahay adigoo biyo ka dhargay, waxaa habboon inaad dhakhtarka aaddo si baaritaan lagugu sameeyo. Dhakhtaraddu waxay leedahay oonka noocaas oo kale ah waxaa dhici karta inuu kuu qarinayo cudurka sokorta ah. Sidaa darteed marka dhiigga sokortu ku badato waxa uu kalyaha farayaa iney kaadi badan soo saareen sidaas ayaa jirku harraad dheeraad ah u dareemayaa.

Warwalba ogow qofka wax xaqiijin karaa waa dhakhtar oo kaliya, ka fogow dhaqanka dadka qaar ee iyagu ismooda iney dhakhaatiir yihiin laakiin si qarsoon naftooda halaaga ugu tuuraya.

Ciriiriga dhanka laabta ah, qoor xanuunka, dhabar xanuunka

Waxaa la iska yaqaanna laab xanuunka inuu hor dhac u yahay xanuunnada dhanka wadnaha ah, laakiin waxaa dhici karta qofku marka uu astaamahaa isku arko inuu u baahan yahay daryeel caafimaad oo degdeg ah.

Mar kasta oo aad aragto waxaad ka shakiso ee aadan horey u arki jirin waxaa habboon inaad dhakhtar aaddo, sidaa darteed waxaa habboon inaan nolosheenna caafimaad si gaar ah u eegno oo aan markasta nafteenna daryeelno.

Maandeeq FM

Related Articles

Close