WararkaWaxbarashada

Gacantiisa oo u Diidday Inuu Ku Biiray Iskuul, Saaxiibbo uu yeesho, Waxaana loo Bixiyay Wiilka “Shaydaanka”

Canug yar oo Bangladesh u dhashay oo 5 sano jir ah ayaa waxaa haysata xaalad caafimaad oo layaab badan kana dhigtay mid sidii shaydaanka oo kale loo fogeeyo dadka deegaanka uu ku noolyahay.

Canugan yar Tajbir Akhtar  oo u dhashay dalka Bangladesh ayaa waxa uu la dhibaatoonayaa saameynta cudurka “Elephant Foot”, iyadoo gacantiisa bidix ay ka weynaato xubnaha jirkiisa inteeda kale, arrintaas oo ku khasabtay inuu kali socod noqdo iskuulkana uu aadi kari waayo, saaxiibana uu yeelan waayo.

Tajbir hooyadii ayaa leh: “Dadku waxay ka cabsanayaan gacanta canugeyga ee aan caadiga ahayn, waxayna ii sheegaan inuu caruurta kale cabsi gelinayo, waxayna u bixiyeen ‘Sheydaan’.”,  waxayna intaa kusii dartay, “Gacantiisu waxay le’eg tahay 3 jibaar gacanta carruurta ay isku filka yihiin, aadna wey ugu culus tahay marka uu socdo iyo marka uu cararayo labadaba wuu ku kufaa.”, ayay tiri hooyada Tajbir Akhtar.

Tajbir ayaa la sheegayaa in dhalashadiisii ka hor hooyadii iyo aabihii ay in muddo ah caruur la’aan ahaayeen marka uu dhashayna ay aad ugu farxeen una sameeyeen xaflad ballaaran, laakiin bilo ka dib farxaddii waxay isku bedeshay murugo, kadib markii ay ku arkeen cudurka naadirka ah ee naafo-nimada u horseeday.

Maandeeq FM

Related Articles

Close