WararkaWaxbarashada

Layli-guriga oo Saameyn Togan Ku yeesha Shakhsiyadda Ardayga yar (Cilmibaaris)

Cilmibaaryaal daraasad ka sameeyay saameynta layli-gurigu ku yeeshaan shakhsiyaadka caruurta ayaa ogaaday in layli-guri aanuu caruurta ka taageerin dhanka waxbarashada oo qura ee laakiin shakhsiyaddooda uu waxbadan ka bedelo.

Daraasaddan ayaa waxaa ka qeybgalay 2,760 arday oo ka tirsan labada iskuul ee Baden-Wurttemberg iyo Saxony ee dalka Jarmalka.

Cilmibaaryaashu waxay leeyihiin caruurta si wanaagsan uga soo baxda waajibaadkooda guriga ee iskuulka looga soo diro iney ka mas’uuliyad gudasho wanaagsan yihiin asaagooda, haddii waajibaadkaa uu noqdo mid ay qabtaan wakhti gaar ahna waxay ku baranayaan nidaamka iyagoo hadhow la qabsan doona howlo kale oo farabadan oo ay ka mid yihiin; hagaajinta qolka hurdada, qorsheynta maalin waxbarashadooda iyo iney hiwaayaadka ay leeyihiin iney wakhti u helaan.

Waxaa kale oo cilmibaarayaashu ay tilmaamayaan in kaalinta iskuulka ay muhiimadda ugu weyn u leedahay dhanka waxbarashada, iyadoo ardaygu  dhaqan wanaagsan oo dhaxalgal ah uu ka helayo shakhsiyaddiisuna ay ku dhismayso. sidaa darteed ay habboontahay in si wanaagsan loogu dadaalo.

Richard Golner oo ahaa madaxii cilmibaaristan hoggaaminayay ayaa yiri: “Natiijooyinka aan soo saarnay waxay muujinayaan in waajibaadka ardayga ee dhanka iskuulka laga soo siiyaa ay kobciso shakhsiyadda ardayga iyo aqoontiisaba, laakiin waxaa shardi ah inuu dadaalbadan bixiyo ardaygu.”, taas oo ka dhigan in loo baahan yahay waajibaad ku filan ardayga in loosoo diro si uu dadaal badan oo u bixiyo.

Ugu dambeyn, daraasaddan ayaa muujineysa muhiimadda uu leeyahay Layli-guriga oo ardayga uu ka helo kobac maskax ahaan iyo aqoon ahaan labadan.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close