WararkaWaxbarashada

Qalliinkii Ugu Horreeyay Dunida ee Madax Lagu Tallaalayo oo Qorshihiisa Wax Iska Bedeleen!

Waxaa go’aan lagu gaaray si rasmi ah in la sameeyo qallinkii ugu horreeyay ee dunida ee madax lagu tallaalayo jir qof kale leeyahay bilowga sanadka 2018, iyadoo qalliinka lagu fulin doono gudaha dalka Shiinaha.

Sida uu qoray websiteka TechWorm qalliinka ayaa la filayay inuu dhaco  December, 2017 laakiin waxaa loo dib dhigay kadib markii qofkii hore qofku lagu sameyn lahaa uu ka noqday go’aankii madaxiisa loogu tallaali lahaa jir kale, maadaama uu qaarka hoose naafo ka yahay. Waxaase hadda la filayaa in qalliinka lagu sameeyo qof kale oo Chinese ah oo si mutadawacnimo ah u ogaalada in qalliinkan noociisa dunida ku cusub yahay lagu sameeyo.

Qalliinkan ayaa waxaa sameynaya dhankhtarka reer Taliyaani ee Dr Sergio Canavero oo ah maamule hay’ad caafimaad oo ku takhasustay qalliinka heerka maskaxda.

Sida uu dhakhtar Sergio leeyahay guusha laga filayo qalliinka waxay gaareysaa illaa 90%, waxayna u baahan tahay ayuu illaa 80 dhakhtar qalliin iyo kharash dhan 10 milyan oo dollar ah.

Dr Sergio ayaa horey u sheegay bishii January ee lasoo dhaafay iney ku guuleysteen iney daayeen madaxii ay ku tallaalaan mid kale , halka jiirna ay sidaas oo kale qalliin ay ku sameeyeen lagu guuleystay.

Maanadeeq FM

Related Articles

Close