WararkaWaxbarashada

Sawirro: Siduu ahaa Kulankii Ugu Horreeyay ee Dhex Mara Einstein iyo Charlie Chaplin

Maxaa dhacay markii ugu horreysay ee ay kulmeen hoggaamiyhii qosolka ee Charlie Chaplin iyo Albert Einstein oo ahaa hoggaamiyihii cilmiga adduunka.

Midi waxa uu ku wanaagsanaa dhanka jilliinka oo loo aqoonsan yahay inuu yahay aabihii aflaamta casirga ah, halka kan kalena uu yahay caalim loo aqoonsan yahay kacdoonka cilmiga adduunyada inuu hoggaamiye fiican u ahaa, labadan cabqari hadaladii ugu horreysay ee ay is dhaafsadeen ayaa abuuray saaxiibnimo mugleh oo muddo sii socota.

Kulankoodii ugu horreeyaya waxa uu ahaa sanadkii 1948 oo ay ku kulmeen xaflad, iyadoo Einstein lagu yaqaaney inaanuu inta badan in aanuu ka qeybgalin xafladaha iyo goobaha ay dadku iskugu yimaaddaan, sababo la xiriira cilmibaarisyadiisa Dhanka Sayniska.

Hadaba, kulankoodii ugu horreeyay Einstein ayaa hadalka bilaabay oo waxa uu yiri: “Wax ugu wanaagsan ee aan fankaaga ugu jeclahay waa inuu yahay mid caalami ah, dunida oo dhan ayaa ku fahmi karta iyadoon hal eray aanuu afkaaga kasoo bixin.”

Chaplin ayaa ku jawaabay, “Waa runtaa.. laakiin adigaa iga caansan, dunida oo dhan ayaa ku jecel iyadoo aaney cidina ku fahmi karin.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close