WararkaWaxbarashada

Sideed Ku Noqon Kartaa Qof Guuleysta.. Xitaa Haddii Aadan Lahayn Xirfad Gaar ah oo aad u Heesarreysa

Sideed ku noqon karaa qof guuleysta? Jawaabta su’aashan inta badan waxaa laga yaabaa inaan been iska iibinno! Habu waxaad ku wanaagsan tahay, ku dadaal… kadib waxaad dhex dabaalan doontaa hanti iyo farxad.

Arrintaa aan soo sheegnay waxay shaqeynaysaa oo qura marka ay jirto hibo gaar ah oo aad ku wanaagsan tahay, laakiin dadkale  aan hibadaa oo kale lahayn iyaga miyaaney fursadi u banaaneyn?

Arrinta farxadda leh waa dadka guulaha waawyn gaaray intooda badan dad hibo gaar ah xariif ku ahaa oo lagu yaqaanney ma’aaney ahayn ee waxay ahaayeen dad caadi ah, tiro yar oo fara ku tiris ah ayaa lahayd hibo gaar ah oo markii dambe hor-u-mar ku gaaray.

Bill Gates markiisii hore ma aanuu ahayn Programmer kii dunida ugu fiicanaa mana aanuu ahayn ninkii dunida ugu aftahan sanaa, waxaa hubaal ah iney jireen dad intaaba kaga wanaagsan, laakiin waxa uu lahaa xirfado badan oo is biirsaday sida programmer wanaagsan inuu ahaa, accounting ka wax ka yaqaanney, suuqgeynta ku fiicnaa, aftahannimo lagu yaqaanno, dhammaan arrimahaas oo is biirsaday ayaa soo sartay qiimo sare iyo inuu noqod dunida oo dhan qofka ugu taajirsan.

In xirfado kala duwan oo aad leedahay la isku milo ayaa ah shay aan la heli karin, dunida waa laga heli karaa qof hal dhinac ku wanaagsan, laakiin la ma heli karo oo waa dhif iyo naadir qof dhinacyo badan ku fiican. Hadaba haddii aad dooneyso inaad qiimahaaga kordhiso, tallaabo dib u noqo oo eeg halka aad ku fiican tahay, bilow inaad dhisato shay heersare ah oo aad dadka agtooda qaali ka noqoto.

Maandeeq FM

Related Articles

Close