DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Warshadda Cabqariyadda.. Jaamacadaha Ugu Badan ee Ku Guuleystay Abaalmarinta Nobel Prize

Abaalmarinta Nobel Prize waxay kaa dhigeysaa qof caan ah isla markaana milyaneer ah; waa tan ugu caansan ee dunida laga bixiyo, dadbadan oo aan la garaneyn ayay ka dhigtay dad caan ah oo dadbadan oo dunida ah ay yaqaanaan, iyadoo ay sharaf u soo jiida dadka ay isku waddanka yihiin ee hay’adda waxbarasho oo ay ka tirsan yihin intaba.

Abaalmarinta ayaa la bixinayay laga soo bilaabo sanadkii 1901, waxaana lagu bixinayay Sayniska, Suugaanka, Nabadda, Dhaqaalaha, amarka abaalmarinta lagu bixiyo waxaa ka dardaarmay  Alfred Nobel oo ahaa qofkii soo ugu horreeyay ee soo  ikhtiraaca Dynamite-ka.

Hadaba, Halkan hoose waxaan idinku soo gudbineynaa 10 jaamacadood ee ardayda kasoo baxday ay ku guuleysteen abaalmarinta ugu badan ee Nobel Prize ka.

1   .Harvard University , jaamacaddan ayaa la aasaasay sanadkii 1639 waxayna ku caan baxday heerka sare ee dadka kasoo baxaa ay gaaraan, dadka kasoo baxay ay ku guuleysteen 76 Abaalmarinta Nobel-ka ah, waxayna jaamacaddu ku caan tahay Caafimaadka iyo Qaanuunka.

2  .University of Cambridge waxaa la aasaasay 1209, waana jaamacaddii saddexaad ee ugu qadiimisan dunida, 65 ka mid ah culumadeeda ayaa ku guuleysta abaalmarinta Nobel Prize ka.

3   .Paris University, waa mid ka mid ah jaamacadaha ugu qaddiimisan dunida, waxaa la aasaasay Qarnigii 12aad, culmadeedu waxay ku guuleysteen 47 jeer abaalmarinta Nobel Prize ka.

4  .Columbia University, waxaa la aasaasay sanadkii 1754, dadka kasoo baxay 44 ka mid ah ayaa ku guuleystay abaalmarinta Nobel Prize ka.

.Massachusetts Institute of Technology, waxaa la furay 1865, waxa uu noqday mid hoggaamiye Engineerinka iyo Teknoolajiyadda, ardaydii Jaamacadda ka baxday waxaa ku guuleystay Nobel Prize 34 qof.

6  .University of California, waxaa la aasaasay sanadkii 1868, lixdamaadkiina ardayda kasoo baxay jaamacadda dhanka siyaasadda saameyn weyn ayay ku lahaayeen dalka Mareykanka, ardayda jaamacadda kasoo baxday waxaa Nobel Prize ku guuleystay 33 qof oo kala ahaa takhasusyada physics, Chemistry, dhaqaalah iyo Caafimaadka.

7  .University of Chicago, jaamacaddan waxaa la aasaasay sanadkii 1890, ardayda kasoo baxayna waxay ku guuleysteen 32 abaalmarinta Nobel Prize oo intooda badani ay ahaayeen physics iyo dhaqaalaha.

8  .University of Oxford: sida taariikhyahannadu ay sheegayaan jaamacaddan waxaa la aasaasay 1096, waana jaamacadda ugu facaweyn ee inta ku hadasha luqadda Engilishka dunida, ardayda kasoo baxday waxay ku guuleysteen 27 abaalmarinta Nobel Prize ka oo takhasus kasta leh.

9  .Ludwig Maximilian University, waa jaamacadda ugu weyn ee Munich waxaa lagu tilmaamay iney tahay “Aabaha Chemistry-ga Nukliyeerka”, ardayda kasoo baxday waxay ku guuleysteen 24 abaalmarinta Nobel Prize ka ah oo dhinacyada Physics, Chemistry, caafimaadka iyo Suugaanka.

10  . Humboldt University, waa jaamacadda ugu facaweyn ee magaalada Berlin, waxaa la aasaasay 1811, waxaa kale oo loo yaqaaney jaamacadda Berlin, ardayda kasoo baxday waxay ku guuleysteen 23 abaalmarin oo Nobel Prize ah oo dhammaan dhinacyada oo dhan ah marka laga reebo abaalmarinta nabadda.

Maandeeq FM

Related Articles

Close