CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

5-tan Arrimood Iska Ilaali Marka Calooshaadu ay Faaruqa Tahay

Caafimaadka qofku waxa uu ku xiran yahay waxa uu cuno tayadooda iyo sida ay iskugu dheelli tiran yihiin maaddooyinka lagama maarmaanka u ah nolosha aadanaha. xalaad kasta oo aan ku jirnana waxaa haboon inaan garaneyno waxa nolosheenna u habboon.

Sidaa darteed, waxaan idiin soo gudbinaynaa 75 shay oo aaney habbooney inaad sameyso marka calooshaadu ay faaruq tahay, Calooshaadu waa faaruq marka aan leenahay waxaa loola jeedaa marka  2 sacadood ugu yaraan laga joogo xilligii aad wax cuntay.

1 .Cunista Kiinada Antibiotic ah

Kiinadada Antibiotic ah noocyadooda kala duwan ma habboona inaad qaadato calooshaada oo faaruq ah, wax tar la’aanta ka sokow waxaa dhici karta iney kugu keenaan dhibaatooyin caafimaad oo khatar ah, tusaale ahaan dhuug furanka caloosha oo kugu dhici kara. Dawadana guud ahaan waxaan habboon inaanad qaadan haddiiba calooshaadu ay faaruq tahay, haddii dhakhtar uu kuu soo qoro mooyaane.

2 .Qaxwaha

Qaxawaha waxaa ku jirta caffeine oo in yar oo ka mid ah ay caloosha acid ka keeni karta, taas oo  dhankeeda mushkilado badan oo dhanka caloosha ah sababi karta. Sidaas oo kale marka aad qaxwaha ka hor mariso cuntada waxa hoos u dhacaya hormoonka serotonin markaas oo aad dareemi karto xalaad murugo ah maalintaada inta ka dhiman.

3 .Xanjada

Marka aad xanjo ruugto oo aad afkaaga geliso jirkaagu waxa uu qaadanayaa dareenka ah inaad cunto soo waddo, waxaa diyaargarow gelaya habdhiska dheefshiidka oo inuu cuntada shiido diyaar u noqonaya, markaa calooshu waxay soo saartay acid , taas oo calooshu marka ay faaruq tahay dhibaato u geysanaysa. Sidaas oo kale ka fogow xanjada inaad afka ku hayso in ka badna 10 daqiiqo xitaa haddii aad dharagsan tahay, maxaayeelay waxay sabab u noqotaa cillado badan oo dhanka dheefshiidka ah.

4 .Hurdada

Markaad seexato adigoo calooshaadu maran tahay, arrintaasi hurdo yari oo kaliya kuguma keenayso ee waxay kugu keenaysaa inuu kugu dhacdo hurdo xumo, waxaana hubaal ah in wakhtigii aad soo kici jirta aad ka soo hortoosayso.

5  .Doodda

Ha doodin adigoo gaajoonaya, marka uu qofku gaajeysan yahay deganaanshiyo ma laha, inaad jirkaaga si wanaagsan u xakameyso waxay u baahan tahay tamar aadan heli karin marka aad gaajeysan tahay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close