WararkaWaxbarashada

Admas oo Ay ka Qalinjabiyeen 374 Arday & Jaamacadda oo Aqoonsatay Aabaha Waxbarashada Sare ee Somaliland

Waxa maalinimadii shalay xaflad qalinjabin ah loo sameeyay ardayda Jaamacadda Admas dufcadii 9aad  oo wadartoodu dhamayd 374 arday,  35 arday oo dhamaysatay waxbarashada heerka labaad (Master’s Degree) iyo 339 arday oo ka qalin-jabiyay waxbarashada heerka kowaad (Under Graduate Degree).

Kulliyadda waxbarashada heerka labaad, oo ahayd markii u horaysay ee arday ka qalin-jabiso, ayaa 18 ka mid ahi baratay cilmiga shaqada iyo shaqaalaha xaga 17-na ay dhamasyteen nidaamka qorshaynta iyo maamulka mashaariicda.

Waxaa xafladda ka soo qayb-galay Madaxwaynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo; Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi; Wasiirka Qorshaynta ; Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryaynta; Wasiirka Duulista iyo Hawada; Wasiirka Biyaha, Wasiiru-Dawlaha Waxbarashada; Wasiir ku xigeenka Waxbarashada; Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somaliland; Masuuliyiin ka kala socotay axsaabta siyaasiyadda ee UCID , Wadani iyo Kulmiye, Wufuud ka socotay dawladda Ethiopia; Wakiillo ka socday hay’adaha maxalliga iyo kuwa caalamiga ahba iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Ugu horayna waxaa kalmadda furitaanka rasmiga ah ee kulanka la siiyay Gudoomiyaha Jaamacada,  Ixsaan Cumar Ismaaciil oo kadib markuu hambalyeey ardayda qalin-jabinaysay iyo walidiintooda ka xog waramay taariikhda jaamacada. Waxaanu sheegay in illaa markii la aasaasay ay ka qalin-jabiyeen 5000 oo arday jaamacad. Wuxuu ku daraygudoomiyuhu in arday badan oo kuwaas qalin-jabiyay ka tirsani ay ka kala shaqeeyan hay’adaha, Meheradaha Gaarka loo leeyahay ee Ganacsiga iyo qaar iskood shaqo u abuurtay. Waxaanu si wayn u amaanay kooxda shaqada abuuratay iskoodna isku taagay.

 

Madaxwayne Siilaanyo oo goobta ka hadlay ayaa ammaan ballaaran u soo jeediyay jaamacadda oo uu ku ammaaney tayadeeda waxbarasho waxaana hadalladiisi ka mid ahaa:

“Waxaan si weyn u bogaadinayaa maamulka, madaxda iyo macallimiinta jaamacadda Admas, dadaalka iyo horumarka ay ku tallaabsadeen mudadii ay jaamacaddu jirtay. Jaamacadda Admas waxay kaalin mug lhe ka qaadatay tayeynta iyo casriyaynta waxbrashada dalka, isla markaana ay ku guuleystay horumar weyn mudadii ay jirtay.”

Ugu dabmeyn, Waxaa xafladii lagu soo gunaanaday shahaado sharaf la siiyay madaxweyne Siilaanyo oo ay jaamacadu ku amaantay waxqabadyo farabadan oo intii talada uu hayay uu fuliyay, Sidoo kale, waxay jaamacaddu shahaado sharaf gudoonsiisay gudoomiyaha Jaamacada Camuud, Professor Saleeban oo ay jaamacadu u aqoonsaatay ‘Aabihii Waxbarshadada Sare ee Somaliland‘, waxaa kale oo iyagana si gaar ah loo maamuusay ardaydii kaalmaha hore ka gashay jaamacadda.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close