WararkaWaxbarashada

Buug Cusub oo ay Leeyihiin Leonardo Cohen oo Dhawaan Suuqyada Soo Galaya

Wakiilka qoraaga hal-abuurka ah ee Leonard Cohen ee sanadkii hore geeriyooday ayaa sheegay in buug cusub uu leeyahay ay ku jiraa gabayo uu qoray maalmihiisii ugu dambeeyay uu dhawaan soo baxay, kitaabka ayaa cinwaankiisu yahay The Flame.

Wakiilka ganacsi ee Leonard Cohen ayaa yiri , maalmihisii ugu dambeeyay waxa ugu weyn ee uu doonayay ayaa ahaa inuu dhammeeyo gacan qoraalka buuggiisan oo ka kooban gabayo aan weli la faafin iyo xul ka tirsan suugaantiisa gaarka ahayd.

Dhinaca kale, shirkadda Canongate ee faafinta buugaagta ayaa sheegtay inuu Cohen oo isagu si gaar ah u xushay gabayada uu doonayo in la faafiyo inta aanuu geeriyoon ka hor November 2016, iyadoo shirkaddu sheegtay in buugga intiisa badani uu yahay mid cusub.

Cohen waa Gabyaa iyo qoraa heer caalami ah oo u dhashay dalka Canada, buuggiisii ugu horreeyay ee gabayga waxa uu qoray sanadkii 1956, halka ruwaaddiisii ugu horreysana la dabacay 1963, inta badan qoraalladiisu waxay u badnaayeen dhinacyada Diinta, Kalinimada, nolosha iyo xiriirka dadka ka dhexeeyay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close